Askarigii Mareykanka ee lagu dilay Manda Bay oo la shaaciyey iyo hooyadiis oo hadashay

Henry Mayfield died manda bay

Qoyska askari Maraykan ah oo ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Manda Bay, ee ay qaadday kooxda Al-Shabaab, ayaa xaqiijiyey geerida askarigaasi.

Warbaahinta Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gobolka Illinois ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabo Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir.

Henry Mayfield, oo deganaa duleedka magaalada Chicago, ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka

“Waxa uu aad u jeclaa qoyskiisa iyo inuu waqti fiican la qaato walaalihiis,” waxaa sidaas tiri hooyada dhashay Mayfield oo lagu magacaabo Carmoneta.

Waxa ay sheegtay in markii ugu dambeysay ay wiilkeeda FaceTime kala hadashay maalintii sanadka cusub.

“Waxaan ka hadalnay inuusan aadeyn Soomaaliya, wuxuuna ii sheegay in wax walba ay wanaagsanaayeen islamarkaana saldhigga uu yahay mid amni ah,” ayey tiri hooyo Carmoneta Mayfield.

“Wuxuu ii sheegay in wax walba ay hagaagsanaan doonaan. Ereyadaas ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyey ee uu igu dhaho.” Ayey tiri.

Laba kale oo tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanahdigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo ana weli la magacaabin, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa tiri inuu qeyb ka yahay ololeheeda “Qudus Lama Yahuudeynayo”.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan xubnaha Al-Shabaab ee ka mas’uulka ah weerarkan khasarahan gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here