Askarigii toogashada ka geystay Mareykanka oo ammaanay Osama Bin Laden

Maxamed Al Shamraani

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa codsatay in laga caawiyo in ay ogaato dhaqdhaqaaqa iyo goobihii uu booqday askarigii Sucuudiga u dhashay ee dhawaan toogashada ka geystay xarun ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Florida.

Maxamed Saciid Al-Shamrani ayaa ahaa ardeyga u dhashay Sacuudiga ayaa ka tirsanaan ciidamada cirka Sucuudiga, waxa uuna baranayay duuliyenimo.

Al-Shamrani ayaa saddex qof toogasho ku dilay halka siddeed qof oo kale uu dhaawacay ka hor inta aan isna toogasho lagu dilin.

Booliska dalkaasi Mareykanka ayaa sheegaya in Al-Shamrani inta uusan weerarkaasi qaadin uu marka hore daawaday muuqaallo dil wadareed muujinaya.

Waxaana sidoo kale la sheegayaa in uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku dhaliilayay colaadda uu Mareykanka ka wado waddama kale ee caalamka.

Mohammed Saciidd Al-Shamrani ayaa billowgii toddobaadkan ardeyda kale u daaray muuqaalo muujinayay toogashooyinka aan kala sooca lahayn ee ka dhacay Mareykanaka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalakasi Mareykanka.

Dhawr ka tirsan ardeydii kale ee reer Sucuudi ee Al-Shamrani kula jiray tababarka ciidamada Cirka ee Sucuudiga ayaa la sheegayaa in iyaguna su’aalo la weydinayo.

Maamulka machadkaasi ciidamada cirka ayaanan sheegin in ardeydaasi la weydinayo in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi saddexda qof lagu dilay iyo in kale.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegeysa in ka hor inta Al-Shamrani uusan geysan weerarkaasi uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay warbixinno ka dhan ah dagaalka uu Mareykanka ka wado dalalka shisheeye, waxaana sidoo kale uu qoraalkiisa ku ammaanay Osama Bin Laden.

Pensacola
Askariga weerarka geystay ayay FBI-du ku sheegtay Maxamed Al-Shamraani

Balse xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sabtidii shalay ahayd sheegay in dhacdadaan aan lagu tilmaami karin fal argagixiso.

Sucuudi Carabiya ayaa ah xulafo muhiim u ah Mareykanka, waxaana in mudda ahba labada dal ka dhexeeyay barnaamij ay isku dhaafsadaan tababarrada ciidamada.

Toogashadan ayaa su’aal gelisay baaritaanka lagu sameeyo saraakiisha milatari ee dibadda ka imaanayo ee lagu tababaro xeryaha ciidamada Mareykanka.

Waa weerarkii labaad oo usbuucan ka dhaca saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka, usbuucyadii la soo dhaafay waxaa xaruntas lagu tababaray 18 askari oo ka tirsan ciidamada Sucuudiga iyo laba Bad-maax oo isla dalkaas u dhashay.

Boqorka Sacuudiga ayaa dhalleeceeyay weerar hubeysan oo ka dhacay xarun ay ciidamada Mareykanku leeyihiin.

Weerarka uu ardeyga u dhashay Sacuudiga ka dambeeyay wuxuu boqor Salmaan ku tilmaamay “mid wuxuushnimo ah”, sida madaxweyne Trump laga soo xigtay.

Wuxuu Trump bartiisa Twitter-ka ku qoray in boqorka uu telefoonka ka wacay si uu “si daacadnimo ah uga tacsiyeeyo”.

Pensacola
Saldhigga ciidamada badda iyo cirka ee Pensacola ee Mareykanka waxaa ka shaqeeya 16,000 oo askeri iyo 7,400 oo shacab shaqaale ciidan ah.

Maxay Boqortooyada Sacuudiga sheegtay?

“Boqor Salmaan ka Sacuudiga wuu isoo wacay si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay wixii dhacay ugana tacsiyeeyo, uuna tageero ugu muujiyo qoysaska iyo saaxiibbada dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka,” ayuu madaxweyne Trump ku qoray Twitter-kiisa.

“Boqorka wuxuu sheegay in shacabka Sacuudiga ay aad uga xanaaqeen weerarka wuxuushnimada ah, iyo in qofkaas uusan matalin kana turjumeynin dareenka shacabka Sacuudiga ee jecel dadka Mareykanka.”

Warbixin kale oo ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxaa weerarkaas ay ku tilmamtay “mid argagax leh”, waxayna sheegtay in taageero buuxda ay siin doonto baaritanka.

Madaxweyne Trump wuxuu xiriir dhow oo joogto ah la yeeshay Sacuudiga in kastoo uu jiray dilkii ay dalal badan cambaareeyeen ee loo geystay saxafigii caanka ahaa ee u dhashay Sacuudiga Jamal Khashoggi, kaas oo warbixinno ku qori jiray wargeyska Washington Post. Waxaa lagu dilay Qunsuliyaddii Sacuudiga ee Turkiga, bishii October 2018-kii.

BOQOR SALMAAN

Sidee weerarka Pensacola lagu ogaday?

Maamulka waxaa lagu soo wargeliyay weerar ka dhex socda fasalka saldhig ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Pensacola, aroortii Jimcihii.

Weerarka ayaa la soo afjaray ka dib markii ku xigeenka salkaalka ciidanka uu toogtay ardeyga weerarka ka dambeeyay. Laba askeri oo lugta xabad ay kaga dhacday ayaa la filayaa in si degdeg ah ay u soo kabsadaan.

“In aan ku sii dhowaado goobta weerarka waxay la mid ahayd filim dagaal,” ayuu yiri David Morgan.

Sida lagu qoray bogga saldhiggaas, waxaa goobta ku sugan 16,000 oo askar oo militari ah iyo 7,400 oo ciidan rayid ah.

Muxuu ahaa ardeyga weerarka qaaday?

Pensacola

Maxamed Saciid Al-Shamrani wuxuu ahaa Sarkaalka labaad ee ciidamada cirka Sacuudiga ee saldhiggaas ku tababaranayay. Waxaa jiro warar sheegaya in weerarka ka hor uu online-ka ku qoray farriin, balse taa weli lama caddeyn.

Dhowr qof oo u dhashay Sacuudiga ayaa laga qabtay meel u dhow goobta weerarka, waana la xiray, sida ay qortay New York Times oo soo xigatay ilo-wareedyo aan la magacaabin.

Sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka, isbuucyadii la soo dhaafay waxaa xaruntas lagu tababaray 18 askeri oo ka tirsan ciidamada Sacuudiga iyo laba Bad-maax oo isla dalkaas u dhashay.

Baaritaan ayaa socdo, madacyada dhibbanayaashana lama shaacin doono illaa qoysaskooda laga wargeliyo, sida warbixinta ciidamada lagu xusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here