Atariishadii Sana Khan ee wadaaddada isu bedashay oo farriin soo dirtay

Sana Khan iyo Anas Saiyad

Atariishadii hore ee shirkadda Bollywood-ka Hindiya, Sana Khan, ayaa mahad celin weyn u jeedisay ninkeeda, Anas Saiyad, iyadoo ku ammaantay sida uu mar walba ugu dhiirrigaliyo sameynta waxyaabaha wanaagsan iyo raacista waddada toosan.

Waxay soo dirtay farriin cusub oo ay ku sheegeyso in wanaagga uu qofku sameeyo aysan ahayn in dunidoo dhan laga ogaado, balse waxa muhiimka ah uu yahay ‘in Alle uu wanaaggaas arko oo kaliya’.

Sana oo barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir ay ku labisan tahay dhar asturan oo midabka caddeyska ah, waxayna ku dul qortay: “Muhiim ma aha in dadku ay arkaan ama dareemaan wax fiican oo aad sameysay. Arrinta muhiimka ah waa in uu Alle arko. Waad ku mahadsan tahay Anas Saiyad sida aad mar walba iigu dhiirrigalisid jihada habboon adigoo aan eegeynin sida ay dadka kale uga falceliyaan.

20-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii ayey Sana iyo Anas isku guursadeen xaflad khaas ah oo aysan dad badan ka qeyb galin.

Waxay warka ku saabsan arooskeeda mar qura ku shaacisay barteeda Instagram-ka, waxayna qoraal ay soo dhigtay ku tidhi: “Waxaan isku jeclaannay Alle dartiis. Waxaan isku guursannay Alle dartiis. Alle ha nagu daayo Adduunkaan annagoo mideysan. Dibna hannoogu mideeyo Jannada.”

Markaas kaddib waxay u safreen gobolka Kashmiir, si ay bisha malabka (toddobada) ugu soo qaataan.

Sana Khan waxay sanadkii hore ku dhawaaqday inay ka hartay xirfaddeedii jilista filimada
Qoraalka sawirka,Sana Khan waxay sanadkii hore ku dhawaaqday inay ka hartay xirfaddeedii jilista filimada

Sana waxay ka mid ahayd atariishooyinka ugu caansan gabadhaha filimada jila, waxayna u muuqatay mid xirfaddeedu ay dad badan ka filayeen hormar badan, ka hor inta aysan ku dhawaaqin in ay ka tanaasushay arrimahaas oo dhan.

Dadka qaar ayaa baraha bulshada ku shaaciyay in ay si lama filaan ah isugu baddashay “wadaad” maadaama ay iska joojisay howshii jilista ee ay taageerada badan ku kasbatay.

Filimada ugu caansan ee Sana Khan lagu xasuusto waxaa ka mid ah: Jai Ho, Wajah Tum Ho iyo Toilet: Ek Prem Katha.

Sidoo kale waxay tartan u gashay inay ku biirto jilayaasha filimka laga daba dhacay ee Big Boss 6.

Dhowr bilood ka hor ayey shaacisay in ay xirfaddaas joojisay, taas baddalkeedana ay hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doonto “arrimaha bani’aadannimada iyo in ay raacdo amarrada Allihii abuuray”.

Anas ayaa beeniyay eedeymo isaga loo jeedinayay oo ku saabsanaa inuu ku lug leeyahay go’aanka ay Sana uga baxday safka atariishooyinka Hindiya, wuxuuna sheegay in uusan ku khasbin joojinta filimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here