Axmed Madoobe oo ka quustay inuu la heshiiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya

Axmed Madoobe3

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay cadaadiska siyaasadeed oo ay ku heysay Maamulka Jubbaland gaar ahaan madaxweynaha aan dawlada Soomaaliya aqoonsanaynay, balse ay taageerto Dawladda Kenya ee boobka ku aysa Badda iyo Dulka Soomaaliya ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xog aan ka helnay Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegeyso in Axmed Madoobe uu ka rajo beelay qorshihii uu ka lahaa Jubbaland, islamarkaana cadaadiska ay ku heyso Dowladda Federaalka maalinba maalinta ka dambeyso uu sii kordhayo.

Dawladda Kenya oo daba socota dhaqankii xumaa ee dawladihii hore ayaa isku deyday inay dhex dhexaadiso Dawladda Federaalka, balse Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Kenya ku wargelisay in aanay kala hadli karin Arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Waxaa joogsaday oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday waan waan iyo wada hadal laga dhex waday Dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe ka dib markii madaxwweyne Farmaajo uu diiday inuusan ku qanceyn waxaan ka ahayn xil ka tegista madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Dawladda Federaalka ayaa ku hawlan qorshe ay dib u heshiisiin iyo Maamul ugu sameynayso Jubbaland, kaas oo bilaaban doona marka cagaha loo taago Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here