Axmed Madoobe oo Nairobi looga yeeray iyo amaawiir la soo fari doono

Axmed Madoobe3

Madaxweynihii hore Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ah safarkiisa u horeeyay ee uu uga ambabaxo magaalada Kismaayo, kaddib markii uu bishii Agosto dib isugu caano shubay doorasho aan Dawladda Soomaaliya aqoonsanayn.

Diyaarad gaar ah ayaa wafdi uu hoggaaminayo Axmed Madoobe saaka ka qaaday magaalada Kismaayo, iyagoo toos uga degaya magaalada Nairobi, taasoo mar kale jebineysa amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aada iyo kuwa ka baxa ay soo maraan Muqdisho.

Safarka Axmed Madoobe ayaa xariira inuu amaawiir ka soo qaato dawladda Kenya oo ku shaqaysanaysa siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ka caawinaya siday u boobe lahayd badda Soomaaliya oo ay doonayso inay xoog ku qaadato.

Axmed Madoobe ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka dowladda Federaalka oo markaan culeys saartay dhanka Gedo, kaddib markii maamulada saddex degmo oo kala ah Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay dowladdu ka sameysay dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri, iyadoo la sheegay in dhaq dhaqaaqa Milateri ay qeyb ka yihiin Ciidamada Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here