Axmed Madoobe oo qoraal uu soo saaray laba shardi ku xiray shirka doorashada

Axmed Madoobe3

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitterka waxuu ku shaaciyey mowqifkiisa ku aadan shir kale oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay isugu yimaadan, waxuuna ku xiray laba sharuudood.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel ammaankeeda lagu kalsoonaa karo iyo in gundhigga shirkaas uu ahaado heshiiskii ay madaxdu gaareen 17-kii September.

Sidoo kale qoraalkan oo lagu baahiyey barta twitterka ee madaxweyna Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyey oo lagu bogaadiyey wadahadallada ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta.

“Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna  yahay heshiiskii Sep17,” ayaa lagu yiri qoraalka maadxweynaha Jubbaland.

Qoraalkan Axmed Madoobe waxuu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu iclaamiyey shir madaxda dowlad goboleedyada uu uga dalbaday inay Muqdisho isugu yimadaan 4-ta bishan.

Hase yeeshe horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa u soo jeediyey dalab ah in shirkaas lagu qabto goob ammaankeedu ka madax banaanyahay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, dalabkaas oo sida muuqata aan weli la xalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here