Axmed Madoobe oo shaaciyey inuu go’aan adag qaadanayo haddii DF aysan joojin dhibaataynta Jubaland

Axmed Madoobe1

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’idkiisa u horeeyay tan iyo dib u doorashadiisa ku qabtay Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashadii Kismaayo, khilaafka dowladda Federaalka, xariggii Wasiirkiisa Amniga oo Ciidamada Booliska ku xireen Garoonka Muqdisho 31 bisha Agosto iyo arrimo kale.

Axmed Madoobe ayaa marka hore ka hadlay Xaaladda uu dalka Marayo wuxuuna sheegay inay Muqdisho noqotay meesha ugu badan ay qaraxyada ka dhacaan, isla markaasna madaxtooyada la duqeeyo.

Wuxuu tilmaamay inaysan Dowladda ku shaqeysan karin Magaalada Muqdisho halkii markii hore si nabad ah la isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Jowhar si nabad ah.

Mar uu ka hadlayey Xaaladda Jubbaland iyo qaabkii loo soo dhisay ayuu ku dheeraaday wuxuuna sheegay in Jubbalanad dhiig loosoo daadiyey haddana ay ku noolaan karaan Jareer iyo Jileec sida uu hadalka u dhigay.

“Markii aan Kismaayo soo galeynay dhaawac iyo Meyd ayaa wadanay, dadka hada hadlaya Stursbucks ayay Coffee ku cabayeen” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayuu ku eedeeyey inay burburin ku heyso Maamul Goboleedyada halkii ay wax ka qaban laheyd kooxda Al-Shabaab oo canshuur ka qaadeyso Dhismaha waddooyinka iyo dayactirka Garoonka Muqdisho Stadium.

Axmed Madoobe oo ka hadlayey Xarigii Wasiir Janan ayaa Dowladda ku eedeeyey inay sharci darro ku xirtay Wasiirkaas, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho ka dilaacay Magafe.

Isagoo kasii hadlayo ayuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku xirtay shuruudo adag soo deyntiisa oo ay kamid tahay in waxaan jirin laga soo qaado doorashadii ka dhacday Kismaayo iyo in Ciidamada Jubbaland lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Wuxuuna eedeyn u jeediyey Hey’adda Xuquuq Insaanka ee Amnesty International oo dambi kusoo oogtay Wasiir Janan.

 “Amnesty International mey wax ka qabato oo shalay uga hadli weyday C/raxmaan C/shakuur ciidankiisa Muqdisho lagu laayay, Dadkii Baydhabo lagu laayay, ninkii lahaa xoog baa leenahay ee lagu dalacsiiyay weliba Taliye laga dhigay” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mar uu ka hadlayey xayiraaddii la saaray duulimaayadii Kismaayu ayuu sheegay inay taas keentay in dad jiran iyo kuwa fool ah ay dhibaato ku yeelatay maadaama diyaaradii Dhoobley ka imaan jirtay lasoo marsiiyo Muqdisho isla markaasna ay xeer ilaalinta soo gudbin doonto kiisaskii ay xayiraadaas sababtay.

Axmed Madoobe oo ka hadlayey madaxweynayaasha kale ee sheegay in lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay inaysan arrintaas aqbali karin Kismaayana aysan laba madaxweyne isla joogi karin cidii dhibaato ku heysana Magaalada laga qaban doono isagoo ku hanjabay inay yaraan doonto inta ay dulqaadanayaan.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ugu hanjabay inuu go’aan adag qaadan doono haddii aysan iska badalin dabeecadda uu sheegay inay hadda ku dhaqmeyso oo ah cadaadiska ay ku heyso Maamulkiisa.

https://youtu.be/Yj05MvoaZ4M

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here