Baardheere: D Federaalka oo amartay in lasoo xiro Al-Qaadi iyo xubno kale

ciidan gedo

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa shalay gaaray nin madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland uu dhawaan u magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmadaas iyo xubno kale oo ka baxay magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka ay degmadaas u magacaawday Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in uu shalay xarunta degmada ku soo dhaweeyey Sheekh Maxamed Xuseen isxaaq Alqaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Galinkii dambe ee shalay ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere waxay hawada ka saareen is gaarsiinta degmadaas, waxayna magaalada ka bilaabeen howlgallo ay doonayeen inay ku soo qabtaan xubnihii ka socday Jubbaland ee maanta tegay degmadaas.

Wali ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaas oo la shaaciyey, balse amarkaas soo qabashada ayaa waxaa bixiyey dowladda federaalka, sida uu sheegay Cabdullaahi Nuur Xasan oo ah guddoomiyihii degmada Baardheere oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabdullahi waxa uu sheegay in dowladdu ay amartay ciidanka jooga Baardheere in lasoo qabto guddomiye ku xigeenka gobolka Al-Qaadi oo ah ninka xiisadda abuuray iyo xubnihii uu magaalada ku soo dhaweeyey ee ka socday Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inay haatan isku aruursadeen guri uu Al-Qaadi ka deganyahay Baardheere.

Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa ka mid ahaa guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Gedo ee hoos tagi jiray Jubbaland, balse markii danbe la saftay dowladda federaalka, sidaasna Jubbaland ay xilalkii uga qaaday.

Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah Baardheere, Baled-Xaawo, Luuq iyo Dolow oo Jubbaland ay ka qaaday xilalkii, ayaa iyagoo ku sugan Muqdisho waxay ku adkeysanayaan inay iyagu yihiin guddoomiyaasha sharciga ah ee degmooyinkaas.

Xubnahaan oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay u joogaan la tashiyo kala dhexeeya hoggaanka sare ee dowladda federaalka, iyagoo si cad u sheegay inay toos u hoos tagi doonaan dowladda dhexe ilaa inta laga soo dhisayo maamulka aan kan Axmed Madoobe aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here