Baarlamaanka DF oo cod aqlabiyada ku ansixiyey xubnaha guddiga adeega garsoorka iyo

baarlamaanka df2

Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa maanta kulan ay ku yeeshen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa lagu horgeeyay guddiyada golaha adeega garsoorka iyo xubno ka tirsan guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddiyadan oo ay hore u meel-mariyeen golihii wasiiradii xil-gaarsiinta, ayaa waxa uu maanta golaha shacabku ku ansixiyey cod aqlabiyada xubnaha guddiga adeega garsoorka.

Kulanka golaha oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka cadaalada iyo garsoorka dowladda federaalka Cabdulqaadir Maxamed, ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha qaabkii ay u ansixiyeen xubnaha guddiyadaasi.

Guddiyada uu maanta meel-mariyey golaha shacabku ayaa waxay mas’uuliyiin kamid ah Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay ku tilmaameen sharci darro, maadama xukuumadii hore u meel-marisay la riday ra’iisal wasaaraheedii, isla markaana ay aheyd ‘xil-gaarsiin’.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sidoo kale waxa lagu mariyey aqrinta saddexaad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, iyada oo loo qeybiyay xildhibaanada golaha qoondaha miisaaniyada 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here