Baarlamaanka Federaalka oo ansixiyey xeerka degaameynta kuraasta

baarlamaanka df2

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in 144 mudane ay ogolaatay xeerka, 2 xildhibaan ayaa diiday halka ay 4 xildhibaan ka aamuseen.

Maalmahii lasoo dhaafay ayey cabasho ka timid xeerkaan, waxaana jiray in xildhibaanada qaarkood meel ka baxsan deegaan doorashadooda la geeyay kuraastooda.

Maamul goboleedyada ayaa horay u diiday xeerkaan, waxaana jiray shaki badan oo ay qabeen siyaasyiinta kuna aadan tallaabda ay maanta qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here