Baarlamaanka Galmudug oo meel mariyay Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug

baarlamaanka galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo goordhaw kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxa ay ku meel mariyeen golaha Wasiirada maamulkaasi oo maanta la horgeeyay.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulkaasi waxaa fadhiyay 78-Xildhibaan , waxaana Xildhibaanada hortagay kana codsaday in Golaha Wasiirada Ansixiyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Xildhibaanada Galmudug ayaana si aqbaliyad leh ku meel mariyay golaha Wasiirada Galmudug, waxaana ogolaaday in Wasiirada Galmudug shaqeeyaan dhamaan Xildhibaanada kulanka joogay oo gaaraya 78-Xildhibaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug meel marinta golihiisa Wasiirada, waxa uuna balan qaaday in shaqo wanaagsan oo lagu qanco la imaan doonaan golaha Wasiirada cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here