Baarlamaanka Khaatumo oo shiraya iyo gudoomiyaha oo u hanqaltaayaga Wadahadaladii Cali ka quustay

maxamuud sheekh cumar2

Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sh Cumar Xasan ayaa ku mashquulsan inuu isugu yeero xubnihii golaha si uu kalsooni ugu helo hanqaltaag uu ku doonayo inuu la wareego wadahadaladii Prof Cali Khaliif ka quustay ee uu Somaliland si aan ka fiirsiga lahayn ula galay.

hanqaltaaga gudoomiyaha ayaa ka bilowday kadib markii ay wada xiriireen xubno Somaliland ka tirsan oo doonaya talaabo ay ku daboolaan fashilkii ku yimid heshiiskii Cali Khaliif.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaan muujin sida uu uga xun yahay geeridii naxdinta lahayd ee Marxuum Cali Khaliif oo dhowaan magaalada Jigjiga ku geeriyooday, mana aanu sameynin tacsidii laga filayey, isagoo bilaabay socdaal damaashaad lagu tilmaamay oo uu ku marayo Gobolada, iyadoo si gaar ah loo xiisanayo tegista Magaalada Laascaanood oo ah xarunta reer Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here