Baarlamanka Kenya oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo sida ay doonayaan in laga yeelo

kenyan parliament

Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa shalay ka dooday khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex qarxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxayna xubnuhu ka doodeen sida ay u arkaan xiriirka xumaaday ee labada dal, waxaana idiin soo gudbineynaa khudbadihii ugu sameynta badnaa ee xildhibaanada.

Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkan u yeeratay safiirkeedii Nairobi, iyadoo kii Kenya dalkiisa wadatashi ugu dirtay, waxayna Soomaaliya ku eedeysay dowladda Kenya inay farogelin ku heyso arrimaheeda gudaha, isla markaana ay fashilineyso heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada.

Dhowr xildhibaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qaarkood qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday diblumaasiyad qar iska tuurnimo ah, isla markaana aysan Kenya ku dhaqaaqin faro-gelin ka dhacday arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ayaa ka hadlay seddax qodob oo ku saabsan xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna yiri, “Mudane guddoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kalfadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xiriirka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yiraa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wadatashi dheeraad ah.”

“Tan labaad tallaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn.”

“Ta seddaxaad, waxaan doonayaa inaan dhaho Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Katoo Ole Metito oo jka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale aya yiri, “Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muu saamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye.”

Xildhibaan Aadan Barre oo sii hadlaayey ayaa yiri “Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey.”

Xildhibaan Cabdullaahi Bashiir Sheekh oo laga soo doorto Mandera North ayaa isna yiri, “Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraan tahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.”

Xildhibaan Nuux Juneed Sheekh oo laga soo doorto Suna East ayaa yiri, “Mudane Gudoomiye waxaan doonayaa in aan taageero hadalka gudoomiyaha gudida. Waxa iga yaabiya ee ku saabsan Soomaaliya waa in xiliga doorashada ololaha ka socda halkan Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho qudheeda. Oo waxaad is odhanaysaaba malaha doorashadu halkan Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kamaba dhacayso Muqdisho.”

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Mudane Gudoomiye hadaad imika magaalada dhex marto hudheelada oo dhami way buuxaan, waxayna noqotay in dhamaan musharaxiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ay Nairobi yimaadaan olole adagna halkan way ka wadaan, markaa waxaynu u baahannahay in gudida gaashaan dhigga iyo arimaha dibadu ay baadhitaan dheer samayso si ay inoogu sheegaan sababta ay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ololaha ka badan kay Muqdisho ka wadaan uga wadaan Nairobi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here