Baashe Cali Jaamac oo lagu dhaleeceeyey Wasiiro iyo siyaasiyiin uu hargeysa ka raacay

baashe iyo koore

Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo dhowaan gaaray magaalada Laascaanood ayaa wajahay caanaan iyo dhaleecayn weyn oo ku saabsan Wasiiro iyo siyaasiyiin kale oo uu ka soo raacay Magaalada hargeysa,kuwaas oo gabaad ka dhigtay.

Mudane Baashe oo u socday nabadeynta colaado ka taagan degaamo Gobolka Sool ka mid ah, ayaa waxaa hadda fuulay cadaadis iyo culeys xoogan oo ku wajahan xubnaha la socda, kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf iyo xubno badan oo degaamadaas laga bartay quusna laga taagan yahay, waxay u muuqataa inay caqabad ku noqon doonaan nabadeyntii uu u socday.

Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa taageero weyn ku leh Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, balse waxaa hadda gacmaha ka xiri doona xubnaha gabaadka ka dhigtay, oo aan shacab wax kalsooni iyo taageero toona u haynin.

Ilaa hadda waxay joogaan Magaalada Laascaanood, waxqabadna uma suurtagelin, rajo badana lagama qabo.

Dhowaan ayey ahayd markii Isimadda Sool, Sanaag iyo Cayn, ay ka digeen in siyaasiyiintu ay soo farogeliyaan colaadaha degaamadaas ka taagan, iyagoo balanqaaday inaan lala shaqeyn doonin, taas oo iminka u muuqata inay dhaqan gashay.

Sidoo kale waxay u muuqataa in shacabka degaamada SSC ay go’aan ka gaareen xubnihii ay Somaliland 30 sano u adeegsan jirtay, kuwaas oo ku mashquulsanaa ka xoogsi iyo inay Somaliland dadka ka ceshiimeystaan.

baashe koore c baashe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here