Banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Qoor-qoor oo maanta la filayo inay Galmudug ka dhacaan

calanka galmudug

Wararka aan  ka heleyno Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxa ay sheegayaan in maanta lagu qabanayo isku soo bax lagu taageerayo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo ay doorteen baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa sugaya ammaanka goobaha loo qorsheeyay isku soo baxa in lagu qabto sida Warbaahinta ay u sheegeen dadka deegaanka.

Lama shaacin ilaa hadda in Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uu ka qaybgalayo dibadbaxa lagu taageerayo.

Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxaa Madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor kadib markii uu helay 66 cod, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here