Bankiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha dalka Somalia kor u kici doono

the world bank

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kici doona 2.9%, halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%, ka hor inta aanu deg deg u gaarin 3.2% illaa 3.5%, saddexda illaa shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Bankiga Adduunka

Saadaasha sare u kaca ee saddexda illaa shanta sano ee socota ayaa ku xirnaan doonta sida dalka uu awood ugu yeesho joogteynta is-beddelada dhaqaale ee socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Dakhliga kasoo xarooda canshuurta ay ururiso dowladda Soomaaliya ayaa sanaddii tagtay sare u kacay 29%, kadib markii dhaqaalaha uu kasoo kabtay abaaro xooggan oo dhacay sanadkii kaas ka horreeyey, islamarkaana dowladda ay is-beddelo ku sameysay siyaasaddeeda canshuuraha.

“Inkasta oo horumarkan uu yahay mid dhiir-gelin leh, miisaaniyadda la heli karo si looga soo baxo baahiyaha qarash-gareynta ee qeybaha waxbarashada iyo caafimaadka kuma filna” ayaa lagu yiri qoraalka Banki Adduunka.

Banki Adduunka ayaa weydiistay dowladda inay abuurto sanduuq lacageed oo gaar u ah waxbarashada, si dowladda uu ugu ogalaado inay dalalka kale ee gobolka iyo saaxiibada Soomaaliya ka hesho lacag lagu taageero waxbarashada.

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa bishii May sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku taagan yahay waddadii saxda, hase yeeshee waxa uu ka digay inuu u baylahan yahay amni-darrada, is-beddelka cimilada iyo saboolnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here