Bankiga Dhexe ee Somalia oo farriin ku saabsan FOREX shacabka u diray

central bank of somalia

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shacabka u diray digniin xooggan oo ku saabsan khasaare culus oo kasoo gaari kara inay lacagtooda ku darsadaan shirkadaha ka shaqeeyaa suuqa kala iibsiga sarrifka lacagaha qalaad ee Forex (Foreign Exchange Trading Market).

Qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe ayaa lagu yiri “Shirkadahaasi waxay macaamiishooda u ballan qaadaan faa’iido badan oo gaareysa 70%. Bankiga Dhexe wuxuu rumaysan yahay in uu ganacsiga noocan ahi khasaare badan usoo jiidi karo dadka maalgashada.”

Qoraalka ayaa sidoo kale intaas ku daray inaysan jirin shirkado Ruqsad ama Ogolaansho (License) ka haysta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo ka ganacsada sarrifka lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah (online forex trading).

“Sidaas awgeed, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo ee la xiriira korjoogtaynta habmaaliyadeedka dalka, ilaalinta xasiloonida suuqa maaliyadda iyo dhowridda hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu mar kale uga digayaa shacabka iyo ganacsatadaba inay ka feejignaadaan shirkadahaas sare ku xusan, hantidoodana aysan ku aaminin adeeg maaliyadeed oo aan ogolaansho looga haysan Bankiga Dhexe,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Bankiga Dhexe ayaa yimid saddex maalmood kadib markii warqad kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu hakiyey bixinta rukhsadaha ama diiwaan gelinta shirkadaha ka shaqeeya adeeggsa sarifka online-ka ee loo yaqaan Forex.

Hoos ka aqriso warqadda uu soo saaray Bankiga Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here