Barakac hor leh oo ka bilowday magaalada Mandheera

barakac mandheera

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ee xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dad badan ay halkaas ka barakacayaan, kuwaas oo ka cabsi qaba xiisadda maalmahaan dambe ka taagneyd deegaankaasi.

Dadkan aya la sheegay in u qaxayaan deegaannada kale ee hoos taga ismaamulka Mandheera oo ay kamid yihiin Carabiya, Raamu, Takaba, Khalaaliyo iyo dhanka kale ee dalka Itoobiya.

“Sidii aan u joognay ciidan duulaya ayaa ina soo galay, laba ciidan dhexdood ayaa galnay, halkaanna waxa xuduud, caruurtii iskuulada aadayay khatar ayay ku jiraan, nafsadeenna khatar ayay ku jirtaa, waan qaxeynaa sababtoo ah haddii u madfac kugu soo dhaco halkee la aadi,” ayay tiri Haweeney kamid ah dadkii Maanta ka qaxay Mandheera.

Dowladda Kenya ayay sheegtay in aysan waxbadan ka qaban ilaalinta ammaanka magaalada, taasina ay keentay inay u barakacaan deegaannada kale ee Mandheera.

Sidoo kale, Rashiid Isaaq oo kamid ah dadka ka qaxaya magaalada ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay xuduudka uu khatar badan ku keenay noolashooda, haatanna aysan dooneyn in arrintas oo kale ay la kulmaan.

Inta badan dadka ayaa ku qaxaya basas isaga kala goosha deegaannadaas, waxaana sidoo kale lagu soo warramayaa in uu sare u kacay qiimaha lagu raaco baabuurta.

Bakaracaan ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro Xiisad ka dhaxeyso Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo gudaha u galay Magaalada Mandheera.

Ciidamo ka tirsan Jubaland ayay dadka deegaanka sheegeen in ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Mandheera ee dhanka xuduudka Kenya, inkastoo Jubaland ay arrintaas beenisay.

Inkastoo hadda uusan jirin dagaal socdo, haddana waxaa jiro dhaqdhaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda, waxaana suurtagal ah in mar kale la is gacan saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here