Barakac xooggan oo ka socda gobolka Lamu ee Kenya

barakac lamu

Qaar ka ka mid ah shacabka daganaa Gobolka Lamu oo ah Gobol Xeebeed ku yaalla dalka Kenya ayaa bilaabay inay u barakacaan magaalooyinka yar yar, si ay u nabad galaan.

Barakacaan ayaa bilowday maalin kadib markii Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab ay weerartay Saldhig Militari oo Mareykanka ay degaankaas ku leeyihiin, halkaasi oo lagu dilay seddex kamid ah Shaqaalaha Mareykanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadku ay ka guurayaan tuulooyinka u dhow garoonka diyaaradaha Manda Bay, iyagoo ka baqaya inay weerarro kale dhacaan ama inay Lamu ku dagaalamaan Ciidamada Ammaanka  iyo dagaalyahannada Al-Shabab ee ku dhuumaalaysanaya duurka u dhow Boni.

Canab Xaaji oo ka tirsan Golaha Deegaanka Lamu ayaa sheegtay inay dadku dareemayaan cabsi saa’id ah balse waxay tilmaamtay in Ciidamada Ammaanka ay wadaan dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab.

“Dadku cabsi ayey qabaan, waxay ka guurayaan Magaalada iyagoo u guurayo tuulooyinka u dhow dhow Lamu sida Hindi, Sinambio, Mokowe iyo Kausara, cabsi xooggan ayaa jirto balse Amniga aad ayaa loo adkeeyey, ciidamada Militariga waxay qabanayaan shaqo wanaagsan” Ayey tiri.

Axadii, Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhigga Militariga ee Mareykanka ee ku yaalo Lamu, waxayna halkaas ku gubeen dhawr diyaarad ka hor inta aysan isaga bixin Saldhigga Ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Kenya ee halkaas ku sugnaa.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in saddexda qof ee lagu dilay Saldhigga ay ahaayeen shaqaale Mareykan ah iyo laba qandaraasle halka sidoo kale la dhaawacay laba qandaraasle kale oo xaaladooda ay halis tahay.

Mid kamid ah dadkii daganaa Saldhigga la weeraray agtiisa oo hadda u guuray Tuulada Hindi oo 5 Kilometer u jirto Lamu ayaa yiri

“Haddii dadka ay weerari karaan xero Militari oo ay leedahay Dowlad awood badan, maxaad u maleeneysaa dadka caadiga oo anigoo kale ah kuwaas oo aan wax hub ah heysan”.

“Waxaa joogo Saldhigga Saraakiil Militari laakiin dadka soo weerarayo waa ogyihiin in saraakiil joogto,  mar kastana way soo weerayaan, ma dooneysid halis, macquul maahan in lagu qabto adigoo ku dhex jiro saraakiil” ayuu sii raaciyey.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab weerarka soo qaadeen Axaddii, Kenya waxay xoojisay ammaanka gudaha iyo hareeraha gobolka Lamu oo xuduudda la leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here