Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay kuraastii gobolka Banaadir

baarlamaanka df2

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay in 13 kursi oo dheeraad ah lagu kordhiyo golaha aqalka sare, si ay matalaad ugu noqdaan gobolka Banaadir, oo aan xilligaan wax matalaad ah ku lahayn golahaas.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir waxaana xeerkan haa ugu codeeyay 142-Xildhibaan 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Matalaada gobolka Banaadir waxay ka dambeysay kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya ay barlamaanka horgeeyeen mooshin ku aadan in 13 kursi oo aqalka sare ah lasiiyo gobolka Banaadir.

Tirada xubnaha aqalka sare oo awal hore ahayd 54 xubnood, ayaa noqondoonta 67 xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here