Baroordiiq 3 cisho ah oo loo sameeynayo madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed

Cali Mahdi

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geeridii ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya, oo xaalad caafimaad markii hore loo geeyay.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale dowladdu waxaa ay sheegtay in loo saarayo guddi ka shaqeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka.

Qoraalka ay soo saaraty Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here