Basaas soo qabtay nin Alqaacido ah oo hadda doonaya in la siidaayo

Abu Zubaydah

Sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray waaxda sirdoonka Mareykanka ayaa haatan waddaa olole ka dhan tacaddiyada isla markaana ku baaqay in lasii daayo qof argagixisinimo looga shakisanaa oo uu soo qabtay muddo ku dhaw 20 sana.

John Kiriakou ayaa BBC u sheegay in ninka looga shakisan yahay in uu ka tirsanaan jiray Al Qaacida Abu Zubeydah loo geystay tacaddiyo aad u daran kaas oo hadda xiran.

Baaqa ku aadan sii deynta Abu Zubeydah ayaa imaanaya xilli Arbacadii maxkamadda sare ay dhageysatay dood ku saabsan in qiimeyn lagu sameeyo kaalinta dowladda Mareykanka ay ku yeelan karto in caddeymaha ku saabsan jirddilka loo geystay ninkan in la qariyo.

Xiritaanka Zubeydah ayaa noqday mid kamid ah kiisaska ugu waaweyn ee horyaalla maxkamadda sare.

Abu Zubaydah ayaa sanadkii 2002 laga soo qabtay Pakistan, ninkan kasoo jeedo Falastiin ayaa ku anddacooday in biyo la garaacay, hurrdada loo diiday, goob cidla ah lagu hayay isla markaana biyo lagu dhex maquuriyay xilli lagu hayay goob qarsoodi ah oo dadka su’aalo lagu weydiyo oo ku taalla Poland taas oo ay leeyihiin ciidamada sirdoonka Mareykanka CIA-da ka hor inta aanan loo wareejinin xabsiga Guantanamo Bay, halkaas oo lagu hayo tan iyo 2006 oo ilaa hadda wax maxkamad ah aanan lasoo taagin.

Xarumaha qarsoodiga ah ayaa kamid ah goobaha ay adeegsadaan CIA-da Mareykanka oo ku yaalla caalamka halkaas oo ay su’aalo ku weydiyaan dadka lasoo qabta oo looga shakiya falalka argagixisinimo kadib weerarkii 11-September 2001 lagu qaaday Mareykanka.

Mr Zubeydah ayaa isku dayay in maxkamad loogu yeero labo qof oo qandaraas la saxeextay CIA-da arrintaas oo la xiriirtay baaritan ay goobta qarsoodiga ah ku hayeen ciidamada dambi baarista ee Poland.

Dowladda Mareykanka ayaa is hor istaagtay in maxkamad looga yeero, waxayku dooday in bixidda xogta ay waxyeelleyneyso amniga qaranka.

Kiiskan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee ku saabsan maxbuus ku xiran Guantanamo Bay oo ay dacwaddiisa dhageysaneyso maxkamadda sare ee Mareykanka muddo ka badan 10 sana.

Arrintan ayaa saameyn xooggan ku yeelan doontaa in go’aan laga gaaro xuquuqda dowladda Mareykanka ay u leedahay in arrimaha sirta ah.

Kadib markii Zubeydah lagu xiray Pakistan 2002- dowladdii George W Bush waxay rumeysneyd in uu ahaa sarkaal oo ururka u qaabilsanaa shaqaaleysiinta iyo arrimaha qorsheynta-waxaana la geeyay goobo qarsoodi ah oo ku yaallay dalal dhowr ah sida Thailand iyo Poland.

Intii uu ku jiray gacanta CIA-da, wuxuu la kulmay tacaddiyo iyo jirdil.

Warbixin uu soo saaray Aqalka Sanatka Mareykanka ayaa lagu ogaaday intii su’aalaha la weydinayay Mr Zubeydah loo geystay ilaa 83 dhacdooyin oo jirddil ah sida in biyo lagu maquuriyay, in hurddada loo diiday iyo in la xiray markii dambe.

ilaa iyo hadda CIA-da ma aysan qiranin in goob qarsoodi ah ay ku laheyd dalka Poland, sanadkii 2015, maxkamadda arrimaha xuquuqul insaanka ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in Mr Zubeydah lagu hayay goobtaas oo rumeysan tahay in lagu jiddilay halkaas.

Saraakiisha Mareykanka waxay rumeysnaayeen in Mr Zubeydah-oo ku magac dheeraa Zeyn Al Caabidiin Maxamed Xuseyn uu kamid ahaa saraakiisha sare ee Al Qaacida, sidoo kalena uu kaaliye sare u ahaa Osama Bin Laden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here