Beesha Caalamka oo Golaha Shacabka cadaadis ku saaray dhameystirka Sharciga Doorashooyinka

mursal iyo beesha caalamka

Wadamada saaxibka la ah dowlada Soomaaliya iyo wakiilo ka socday hay’ado caalami ah ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Wakiilada la kulmay Afhayeen Baarlamaanka Soomaaliya Mursal ayaa waxaa ka mid ahaa Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya James Swan,Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira, wakiillo ka socday dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub iyo IGAD.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka lagu wado in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka 2020ka iyadoo xildhibaanada Baarlamaankana ay haatan ka doodayaan sharciyada doorashooyinka qaran.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Wakiiladan beesha caalamka ka socday ay guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal kala hadlay sidii xildhibaanada baarlamaanka ay dhaqso ugu soo afjari lahaayeen doodaha la xiriira sharciyada doorashooyinka qaran maadaama xilliga loogu talogalay in lagu qabto doorashada uu soo gaabanayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xunaha uu la kulmay waxaa uu u gudbiyey horumarka Baarlamaanku ka sameeyey sharciga doorashada iyo sida ay Soomaaliya uga go’antahay doorasho qof iyo cod ah.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa hore waxa ay ugala hadleen arrimaha doorashooyinka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Dowlada Federalka ayaa haatan cadaadis xoog leh kala kulmaysa beesha caalamka iyo xisbiyada dalka ka jira taasoo ah sidii dowladu uga dhabayn lahayn ballanqaadyadeedii ahaa in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah dhamaadka sanadka soo socda ama bilowga sanadka 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here