Beesha caalamka oo war ka soo saartay kulankii M Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasada

beesha caalamka2

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ayey ku sheegeen inay soo dhoweynayaan kulankii dhawaan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaal hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ay sheegeen in looga wada hadlay arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey kulan kale oo ka dambeeyey kii wada qaateen seddaxda Madaxweyne, kaas oo uu Madaxweyne Farmaajo ku qaabilay in kabadan 50 xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira.

Kulamadaas ayey saaxiibada Soomaaliya ku tilmaameen tallaaboyin wanaagsan oo dhiira-gelin u noqon kara wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada 2020-ka oo la doonayo inay noqoto mid qof iyo cod ah.

“Waxaan dhiira gelinaynaa wada shaqeyn dheeri ah oo ka dhex bilaabata daneeyayaasha muhiimka ah ee heer qaran iyo heer dowlad-goboleedba, si loo hubiyo wadahadallo loo dhan yahay, iyadoo la eegayo is waafajinta dhinacyada xoriyadda, cadaaladda, hufnaanta iyo aaminaadda, si loo qabto doorasho hal-qof iyo hal cod ah, taas oo taariikhi u noqon doonta geedi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa wadajir u soo saaray dhinacyada kala ah:
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United Nations, United States America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here