Beyle oo la kulmay madaxa Bangiga Horumarinta Afrika

Beyle iyo Akinwumi Adesina african dev bank

 Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan gaar ah magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast kula qaatay madaxa Bangiga Hormarinta Afrika, Mudane Akinwumi Adesina.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka xiriirka dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya Bangiga Afrika.

‘’Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika #Akinwumi_Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda.” ayuu yiri wasiir Beyle.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyey shaqaalaha wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee uu uga mahadceliyey, sida ay uga shaqeynayaan horumraka guud ee dalka.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahan wasaaradda maaliyadda ay ka go’an tahay in sare loo qaado kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale barnaamjka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here