BF oo soo saaray sharci jiheynaya doorashada dalka, horseedaya muddo kordhin

baarlamaanka df2

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci gaar ah oo jiheenayo doorashooyinka heer Federaal, wuxuuna shaaciyey in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo Cod ah muddo laba sano gudahood ah, mudadaasna ay sii shaqeynayaan hay’adaha dowladda ee hadda jira

Sharciga uu soo saaray Guddoonka baarlamaanka, oo weli laga doodayo, ayaa wuxuu ka kooban yahay illaa sagaal qodob oo qeexayo sida loo hirgelinayo doorashada.

Guddoonka ayaa ku dooday in sharcigaan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka oo siinayo golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeyo nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada.

Sidoo kale Guddoonka ayaa soo saaridda sharcigaan u cuksaday qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah, mid toos ah iyo mid qarsoodi ah.

Qodobada 5-aad iyo 8-aad ee sharcigan ayaa si toos ah muddo kordhin u siinaya hay’adaha dowladda ee hadda jira.

Qodobka 5-aad u qoran sidan: “Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyiska qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madax banaan, muddo aan ka badneyn laba sano oo ka billaabata marka madaxweynaha uu saxiixo sharcigan.”

Qodobka 8-aad ayaa ah kan sida gaarka ah u shaacinaya muddo kordhinta, wuxuuna u qoran yahay sidan: :”Hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay waxay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan [Laba sano] qodobka 5-aad ee sharcigan.”

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka.

Sharcigaan cusub ee uu Maanta soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyey uu taagnaa shaki ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saari doono nidaam doorasho oo ka duwan midkii ay isku fahmi waayeen maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa dib u dhaca ku keenay kadib markii taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee gobolka Banaadir uu diiday in maanta uu furmo, inkastoo markii dambe xilka laga qaaday.

Halkaan hoose ka akhriso sharciga oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here