Biden oo qaadaya tallaabooyiin ka farxin doona muhaajiriiinta

joe biden dhaarin

Madaxwayne Joe Biden ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay oo uu meesha uga saarayo qaar ka mid ah xeerarkii adkaa ee uu maamulka Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah.

Madaxwaynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay seddax amar madaxwayne oo uu ku doonayo in lagu mideeyo qoysaskii ay kala geeyeen xeerarkii adkaa ee muhaajiriinta looga soo horjeeday ee uu hirgaliyay maamulkii isaga ka horeeyay ee Trump.

Madaxwayne Trump ayaa si uu uga hortago muhaajiriinta sharci darada ah waxaa uu kala geeyay waalidiinta aan sida sharciga ah ku soo galin Mareykanka iyo caruurtooda marki ay ka soo gudbayeen xudduuda dalkaas uu la wadaago Mexico.

Amarka Biden ayaa waxaa lagu dhisi doonaa guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona dib u mideynta caruur tiradooda lagu qiyaasay 600 ilaa 700 kuwaasi oo qoysaskooda lala mideyn doono.

Maamulkii madaxwayne Trump ayaa waxaa uu kala geeyay ugu yaraan 5,500 oo caruur ah oo waalidiintooda laga qaaday sanadihii 2017 ilaa 2018.

Mid ka mid ah amarada Biden ayaa waxaa lagu dhisayaa guddi ka kala socda hay’ado kala duwan oo uu hogaaminayo wasiiraka arrimaha gudaha Alejandro Mayorkas – si uu ula socdo dib u mideynta qoysaskaas.

Amarka labaad iyo kan seddaxaad ee uu saxiixay Biden ayaa waxaa dib u eegis lagu sameeyn doonaa siyaasadihii mamulkii madaxwayne Trump ee dhimay tirada dadka magangalya doonka ah hoosna u dhigay tirada muhaajiriinta sida sharciga ah ku soo gali jiray Mareykanka .

Biden ayaa sidoo kale soo jeediyay xeer sharciyo lagu siinayo dad tiradooda lagu qiyaasay 11 milyan oo ku sugan dalka Mareykanka, balse aan haysan sharciga ay halkaa ku joogaan.

Balse dadka arrimahan falanqeeya ayaa sheegaya in madaxwaynaha cusub uu illaa iyo hadda ka maagtay in uu ka laabto siyaasadihii adkaa ee madaxwayne Trump uga hortagayay muhaajiriinta ka soo gala dhanka xudduuda Koonfureed.

Shir jaraa’id oo Talaadadii ay qabatay afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayay ku sheegtay in maamulka Biden ay ka go’an tahay sameynta nidaam ku dhisan “anshax iyo bina’aadanimo “.

Balse waxay sheegtay in uusan “waqtigan ahayn mid la yimaado dalka Mareykanka “.

Intii uu Trump hayay xilka madaxtinimada ee Mareykanka waxaa hoos u dhacay qaxootiga laga diiwaangaliyo dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here