Biden oo raalligeliyay ciidamo la sheegay inay seexdeen goob baabuurta la dhigto

joe biden dhaarin

Madaxweynaha Mareykanka ayaa raalli gelin bixiyay kaddib markii qaar kamid ah ciidamada qaranka oo fadhigeedu ahaa xarunta Capitol laga soo qaaday sawir muujinayaa iyaga oo jiifa goob baabuurta la dhigto.

In ka badan 25,000 ciidan ah ayaa la geeyay magaalada Washington DC si ay u sugaan amniga caleemo saarka madaxweynaha cusub.

Biden ayaa ka codsaday madaxa ciidamada qaranka in uu raalli gelin ka bixiyo arrinta isla markaana soo jeediyo waxa laga qabano xaaladdaas, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

Xaaska koowaad ee madaxweynaha ayaa booqatay qaar kamid ah ciidamada, waxayna uga mahadcelisay dadaalkooda ku aadan xaqiijinta amniga, waxayna haddiyad ahaan u siisay buskut laga keenaya Aqalka Cad.

“Waxaan doonayaa maanta in aan idiin kaga mahadceliyo sida aad uga shaqeyseen xaqiijinta amnigeyga iyo midka qoyskeyga” ayay tiri Jill Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here