Biden : Putin wuxuu diyaar u yahay in uu adeegsado hubka kiimikada

Joe Biden-2

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegaya in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu ku jiro ciriiri adag, suurtogalna ay tahay in uu adeegsado hubka kiimikada iyo kan niyuukleerka , uuna sii noqonayo nin aad u caraysan oo quus jooga.

Ciidamada Ruushka ayaa weli qabsan la’ magaalada caasimadda Ukraine ee Kyiv wax ka badan 4 todobaad tan iyo intii ay duulaanka ku qaadeen dalkaasi.

Biden ayaa sheegay in sheegashada Ruushka ee ah Ukraine haysato hubka halista ah ay caddeyn u tahay in Ruushka damacsanyahay in uu isagu adeegsado hubkaasi .

“Putin wuxuu sheegayaa xogo marin habaabin ah, isaga oo xitaa dhahaya Maraykanka hub kiimiko ah ayaa Yurub u yaala, taasina waa been ” ayuu yiri Biden.

Weerar Internetka

Biden waxaa kale oo uu qabaa in Ruushka uu qorsheynayo weerar dhanka Internetka ah , isaga oo shirkadaha uga digay in ay ka digtoonaadaan.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan u safro qaaradda Yurub si uu ula kulmo madaxda dalalka xulufada la ah , iyaga oo ka wada hadlaya dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in xiriirka Ruushka iyo Maraykanka uu qarka u saaranyahay in uu burburo gebi ahaanba.

Weerar internet oo lagu qaado Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhalan karto in la cuskado qodobka shanaad ee heshiiska NATO oo dhigaya in si wadar ah la isaga difaaco weerar kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here