Bill Gates oo iska casilay Microsoft iyo faraxumayn lagu soo oogay

bill gates

Microsoft ayaa biloowday baaritaanka eedo xidhiidh galmo ah oo 20 sano ka hor dhacay oo lagu eedeeyey Bill Gates oo ka mid ah aasaaseyaasha shirkaddaas wax yar uun ka hor intii aanu iska casilin xubinnimada gudida maamulka shirkaddaas sannadkii hore.

Shirkaddan weyn ee dhanka tiknoolajiyada ayaa bilowday baaritaankan markii ay soo baxeen warar ku saabsan walaac ka jiray hab dhaqankiisa.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay baaritaankaa u qabatay shirkad sharci oo ay siinayso taageero shaqaalaha cabashada soo gudbiyey.

Afhayeen u hadlay Gates ayaa beeniyey in go’aanka uu isku casilay wax xidhiidh ah la leeyahay baadhitaanka.

Warka baadhitaanka ayaa soo baxay markii ay Bill iyo Melinda Gates shaaciyeen go’aankooda ah in ay is furayaan 27 sano oo ay is qabeen ka dib.

Isniiniin ayaa afhayeenka Microsoft sheegay in cabashooyinkaas shirkadda ay soo gaadheen dabayaaqadii 2019 markaa oo Gates “doonayey inuu xidhiidh xodxodasho ah la bilaabo” haweenay ka mid ahayd shaqaalaha shirkadda ee sanadkii 2000.

“gudi ayaa eegaysa cabashada waxaana kaalinaya shirkad sharci oo madaxbanaan si looga gun gaaro baaritaanka” ayuu yidhi.

“inta baaritaanku socday Microsoft waxay taageero ballaadhan siisay shaqaalaha cabashada soo gudbiyey” ayuu yidhi

Baaritaanka wali go’aan lagama soo saarin markii Gates iska casilayey gudida maamulka shirkadda oo lama dhamaystirin.

Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda LinkedIn bishii Maarij ee sannadkii hore ayaa Gates ku sheegay inuu go’aankaa gaadhay si uu wakhti ugu helo hay’adiisa samofalka ee Bill & Melinda Gates Foundation. Waxaanu go’aankaasi soo baxay saddex bilood ka dib markii la doortya.

Markaa wuxuu qoray “dhanka Microsoft, iska casilaadda gudida maamulki sinaba ugama dhigna inaan ka tagay shirkadda. Microsoft waxay weligeed ahaan doontaa mid muhiimad ku leh noloshayda shaqo…. Waxaan rajo intii hore ka badna ka qabaa horumarka shirkadu samayayo iyo sida uu u sii socon doonaa inuu dunida wax tari doono”

Hase yeshee wargeyska Wall Street Journal ayaa Axadii ku waramay in gudida maamulka Microsoft go’aan ku gaadhay in Gates xidhiidhka uu la yeeshay haweenay shaqaalaha ka mid ahi aanu ahayn mid haboon oo ay tahay inuu is casilo.

Afkayeenka u hadashay Gates ayaa qirtay in xidhiidhkaasi jiray markii wargeysku weydiiyey laakiin waxay beenisay in arrintaasi sinaba xidhiidh ula leedahay go’aanka uu isku casilay.

“waa xidhiidh labaatan sao ka hor ahaa oo si fiican u dhamaaday” ayay tidhi

“goaanka Bill kaga baxaya gudida maamulku wax xidhiid ah lama laha arinta. Runtii wuxuu hore u sheegay inuu danaynayo inuu wakhti badan u helo hawlihiisa gargaarka ah ee uu dhawr sano ka hor bilaabay”

Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa BBC-da u sheegtay in ay taageersantahay warbixintaa.

Bill iyo Melinda Gates waxay shaaciyeen go’aankooda ay iskuf urayaan horaantii bishan.

Qoysku waxay ku bixiyeen balaayiin doolar kaga bixiyeen hawlaha gargaarka ee dunida waxaanay ballan qaadeen in ay ka sii wada shaqayn doonaan hay’adda marka ay kala tagaan.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warantay in labadu ku heshiiyeen siday u qaybsanayaan hantida ka hor intii aanay shaacinin kala taggooga

Gates oo haatan 65 jir ahi waa ninka afraad ee dunida ugu hantida badan sida uu sheegay wargeyska Forbes oo waxa hantidiiu tahay 124 bilyan oo doolar.

Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Microsoft oo haatan ah shirkada ugu weyn ee samaysa software-ka sanadihii 1970 aadkii waxaanu shirkadda ka shaqaynayey tan iyo 2008.

Hantida qoyskaas ayaa la rumaysan yahay in ay ka mid yihiin guryo malaayiin doolar ah oo ku yaal gobollada Washington. Florida iyo Wyoming. Halka ay se haatan degan yihiin oo ah guri ku yaal haro oo ku yaal Medina, Washington ayaa lagu sheegay in qiimihiisu dhan yahay 127 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here