Biyo dhiig u eg oo qabsaday dariiqyada tuulo ku taal Induniisiya

biyo cas

Dariiqyada tuulo ku taal dalka Induniisiya ayaa waxaa buux dhaafiyay biyo guduud ah kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen warshad dharka lagu nakhshadeeyo oo ku taal deegaankaasi.

Biyo leh midab casaan ah ayaa shalay oo sabti ahayd ku qulqulay waddada Jenggot ee bartamaha jasiiradda Java.

Deegaankaasi oo ku yaal koonfurta magaalada Pekalongan, ayaa caan ku ah naqshadeynta dharka lagu aslo ama riinjiyeeyo midabbo kala duwan, iyadoo la adeegsanayo farsamo dhaqameed soo jireen ah oo halkaa laga yirahdo Batik.

Kumannaan qof oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa wadaagayay sawirro muujinaya biyo guduud ah oo qarqiyay tuuladaasi. Mas’uul ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee deegaankaasi ayaa xaqiijiyay in sawirradaasi ay ka turjumayaan xaqiiqada dhabta ah ee halkaasi ka jirto.

“Biyaha guduudka ahi ee ku fatahay tuuladaasi waxay ahaayeen asalka ama rinjiga lagu xardho dharka ee batik oo daad uu ku dhuftay,” ayuu yiri, Dimas Arga Yudha, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Guduudkaasi ayaa xoogaa kaddib baaba’i doono markuu ku da’o roob xooggan. “

Indonesia

Wabiyada ku yaal Pekalongan ayaa marar hore la arkay iyaga oo wado biyo midabbo leh sababtuna waxaa lagu sheegay rinjiga dharka lagu xardho ama aslo oo marka ay roobabku da’aan ku milmo daadadka, waxaana sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuter, bishii la soo dhaafay la arkay biyo cagaaran oo ku fatahay tuulo kale.

Dalka Indonesia ayaa waxaa marar badan ku dhuftay fatahaado xooggan, waxaana horrantii sanadkan magaalada caasimadda ahi ee Jakarta ku dhintay 43 qof kaddib markii ay duufaan ku dhufatay.

Indonesia

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo looga hortagayo roobabka lixaadka leh ee ka da’o dalkaasi, waxaana ka mid ah in diyaarado ay kiimiko ku daraan daruuraha ka inta uusan roobku soo di’in- iyagoo isku dayaya in ay ka hortagaan roobab xooggan maadaama sanadkii 2013 dalkaasi uu wajahay fatahaadihii ugu ba’naa taariikhda inta la ogyahay.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here