Booliska Koonfur Afrika oo si arxan darro ah u dilay muwaadin Soomaaliyeed

south africa

Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dalkaasi ay si arxan darro ah u jir-dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa wadankaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawaca loo geystay.

Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay, Maxamed ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Koonfur Afrika.

Sababta loo jir-dilay ee uu marxuumka u geeriyooday ayaa waxaa lagu sheegay inuu jabiyey bandowga lagu soo rogay wadankaasi, sida ay Boolisku sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay ka dhacday magaalada Pritoria oo ay Soomaalida ku badan tahay, iyadoona Maxamed loogu tagay goobtiisa ganacsuiga

“Maxamed waxa uu ahaa qof firfircoon, waxaa jirdilay Ciidamada Booliiska oo ugu dambeyn u geeriyooday waxyeelada gaartay, dalkaan waxaa saaran bandow saacado ah, Askarta waxa ay garaacaan guud ahaan dadka jabiya ama socda xiliyada Bandowga.” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koofur Afrika.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxo burcad ah saacadihii la dsood haafay muwaadin kale oo Soomaaliyeed ay ku dhaawaceen dalkaasi, gaar ahaan Cape Town.

Ruuxa la dhaawacay oo magaciisa lagu sheegay, Ismaaciil Axmed ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan xaaladiisu ay tahay mid yare wanaagsan.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida daran loogu dhibaateeyo ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here