Booliska Malaysia oo mabnuucay soo dhoweynta iyo xafladeynta CC Shakuur

cc shakuur

Warqad maanta ka soo baxday booliska magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in aysan dalkaas ka dhici karin munaasabad soo dhaweyn loogu sameynayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Amarka ka soo baxay booliska ayaa sida la sheegay yimid kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia uu taliska booliska ka dalbaday in la joojiyo munaasabadda lagu soo dhaweynayo siyaasiga oo ay qaban qaabadeeda ku jireen dad faro ku tiris ah oo katirsan ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia.

Cabdiraxmaan CabdiShakuur ayaa lagu eedeeyey kala qaybinta umadda Soomaaliyeed, hagardaameynta Dawlada Soomaaliyeed iyo meel ka dhac diinta Islaamka, iyadoo la soo qaatay khudbad uu hadda ka hor ka jeediyey dalka Jarmalka ay ka dhalatay caro badan, isla markaana ay macquul tahay in dhib ka dhaco goobta.

Hoos ka aqriso warqadda

amarka booliiska malaysia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here