Booliska oo shaaciyey inta ay xirnaanayaan jidadka Muqdisho

general zakiya xuseen

Booliska Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray jidadka xiran ee Muqdisho iyo inta maalin oo ay xirnaan doonaan.

Taliye ku xigeenka Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay barteeda Facebook kusoo qortay ku sheegtay inay Shacabka Soomaaliyeed dulqaad muujiyaan inta ay xiran yihiin jidadka Muqdisho oo loo xiray arrimo Ammaan.

Waxay Taliye ku xigeenka sheegtay in jidadka Muqdisho loo xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum dartiis iyadoo xustay inay jidadka xirnaan doonaan inta uu shirkaan socdo.

” Wargelin; Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad deg deg fadlan wac 991 kana codso ciidanka boliiska. Horumarkeena waxuu ka dhashaa wadashaqeyntena” ayey tiri Zakiya.

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum oo Maanta Muqdisho ka furmay ayaa socon doono muddo laba Maalin, waxayna taas ka dhigan tahay in jidadka Muqdisho ay xirnaan doonaan Laba Maalin oo Maanta ka bilaabatay.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan ay ka qeyb illaa 50 dowladood.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah, sababo ku aadan shirka labada maalmood ka socda magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here