Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hadlay muranka doorashada iyo waanwaan uu wado

Boqor burhaan

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka oo uu weli ka taagan yahay muran Xoogan.

Boqorka ayaa sheegay inuu bilaabay dadaallo ku aadan, sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka, islamarkaana uu la kulmay madaxda  Jubbaland & Puntland oo uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa mad-madowga ka jira doorashooyinka dallka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada madaxweyne ay ka aqbaleen in laga wada hadlo khilaafaadka jira ee ka dhashay hannaanka a dowladda u wajaheyso doorashada.

“Waxaa nasiib wanaag ah inaan labada madaxweyne aan si gaar ah ugala hadalanay, waxaa ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin sidii ay wax u qabsoomi lahaayeen, wixii madmadow ah ee jirana sidii meesha looga saari lahaa, ra’iisalwasaaha laftirkiisa teleefan ayaan iskula hadalnay,” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay u turaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Runtii waxaan leeyahay mas’uuliyiinta Soomaalida haddii ay yihiin dowlad goboleedyada madaxweynayaashooda ama haddii ay dowladda federaalka tahay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha dhammaantiin mas’uuliyad ayaa idin saaran,  inta idin saaranna waad u dhaarateen illaahey kitaabkisa ayaad ugu dhaarateen inaad umaddaas maslaxadooda aad  ka shaqeynaysaan Illahey waa idin waydiinayaa, umaddaas aad u shaqenaysaan allah hortii,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in daacad laga noqdo arrimaha doorashooyinka, si waqti yar ee la heysto loogu qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan uguna wanaagsan oo doorasho ku qabsoomi karto inaad ku qabataan doorashada, Beesha caalamka oo marweliba nala garabtaagan sidii Soomaali ay arrimahooda ay u fududeyn laheyd  waxaan leeyahay inta beesha caalamka aysan idin soo farogashan  farqigi idiin dhexeeya dhameystira,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay go’aansatay in la hir-geliyo doorashada, iyadoo weli aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafka ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here