Boqoradda quruxda ee Sri Lanka oo ku dhaawacantay dagaal ka dhacay masraxa dushiisa

Mrs Sri Lanka2021 Pushpika De Silva

Haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta ugu weyn dhinaca quruxda ee dalka Sri Lanka ayuu dhaawac madaxa ka gaaray kaddib markii la isku dagaalay masraxa dushiisa.

Boqoradda Quruxda oo lagu magacaabo Pushpika De Silva ayaa ku guuleysatay tartanka “Mrs Sri Lanka” markii munaasabad telefishinka laga daawanayay oo xilkaas loogu tartamay ay dhacday Axaddii.

Wax yar kaddib, haweeneydii abaalmarintaas ku guuleysatay 2019-kii ayaa taajka ka qaadday Mrs De Silva, iyadoo sheegtay in aysan u qalmin xilkaas maadaama ay tahay haweeney lasoo furay.

Abaal marintan ayaa hadda dib loogu celiyay Mrs De Silva, kaddib markii qabanqaabiyeyaasha munaasabaddan ay soo xaqiijiyeen in aan la furin.

Garsooreyaal maxkamadeed ayaa habeenkii Axadda Mrs De Silva u magacaabay Boqoradda Quruxda ee 2021-ka, xilligaas oo uu fiinaalkii tartanka ka dhacay magaalada Colombo.

Hase yeeshee, Caroline Jurie, oo tartankan ku guuleysatay 2019-kii ayaa mar qura Mrs De Silva ka xayuubisay taajkeeda, iyadoo sheegtay in xeerka u yaalla tartankan uu yahay in abaal marintaas la guddoonsiiyo haweeney xaas ah oo aan garoob ahayn.

“Waxaa jira sharci taajkan ka hor istaagaya dumarka horay loo guursaday oo la furay, sidaas darteed waxaan qaadayaa tallaabo taajka lagu siinayo qofka galay kaalinta labaad,” ayay Mrs Jurie ku tidhi ka qeyb galeyaashii xafladda.

Islamarkiiba waxay taajkii madaxa u saartay gabadhii laga guuleystay arrintaas oo sababtay in Mrs De Silva oo oyneysa ay ka cararto masraxa, sida uu muujinayo muuqaal dhacdadaas laga soo duubay.

Qabanqaabiyeyaasha tartankan ayaa ka raalligeliyay Mrs De Silva arrinta dhacday, maadaama ay sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay kala tageen oo kaliya balse aysan is furin.

Qoraal ay soo dhigtay Facebook ayay ku sheegtay in ay isbitaal adday si looga daweeyo dhaawac madaxa ka gaaray intii taajka laga bixinayay.

Mrs De Silva waxay sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto “aflagaaddada loo geystay” iyo sida loola dhaqmay.

“Waxaa jira hooyooyin iskaabulo ah oo sideyda oo kale maanta ugu dhibaateysan dalka Sri Lanka gudihiisa,” ayay tidhi Mrs De Silva oo qabatay shir jaraa’id.

“Taajkan waxaa loogu talogalay dumarkaas, hooyooyinkaas iskaabulada ah ee caqabadaha kala kulmaya korinta ilmahooda iyagoo kaligood ah.”

Agaasimaha tartanka Mrs Sri Lanka, Chandimal Jayasinghe, ayaa BBC-da u sheegay in taajkaas Mrs De Silva loo celin doono Talaadada.

Booliska ayaa dhacdada su’aalo ka waydiiyay Mrs Jurie, oo hadda ah qofka xilka Boqoradda Quruxda haya iyo sidoo kale Mr Jayasinghe.

Tartankan ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalkaas. Xaaska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mid ahayd marti sharaftii ka qayb gashay xafladda caleema saarka boqoradda quruxda ee Sri Lanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here