Boris Johnson: Go’aankii maxkamadda UK waa middi uus ku tagtay

boris johnson

Go’aankii Boris Johnson ee ahaa in uu shan isbuuc hakiyo shaqada baarlamaanka UK waa sharci darro, sida ay xukuntay maxkamadda ugu sareysa.

Mr Johnson, ra’iisul wasaaraha Britain ayaa horraantii bishan kala diray baarlamaanka, balse maxkamadda waxay sheegtay in ay khalad ahayd in xildhibaannada laga hor istaagay in ay shaqadooda gutaan xilli laga doodayo Brexit oo kama dambeys ay tahay 31-da bisha October.

Madaxweynaha maxkamadda sare ee UK, Lady Hale waxay tiri “saameynta aasaaska dimuquraadiyadda waa arrin wayn.”

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay “in weli ay qiimeynayaan go’aanka maxkamadda”.

Mr Johnson wuxuu ku dooday in uu doonayay in hakinta baarlamaanka ay billaabato ka hor khudbada boqoradda si uu u dejiyo siyaasadaha cusub ee dowladdiisa.

Balse dadka dhalleeceeya waxay sheegayaan in uu doonayay in baarlamaanka uu ka hor istaago in ay su’aalo adag ka keenaa qorshihiisa Britain ay uga bexeyso midowga Yurub.

Koox xildhibaanno ah ayaa hadda ku baaqaya in Ra’iisul Wasaaraha uu iscasilo, baarlamaankana uu si degdeg ah shaqadiisa u billaabo.

Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha, Jeremy Corbyn, wuxuu sheegay in go’aanka maxkamadda uu muujiyay in Boris Johnson “uusan jecleyn dimuquraadiyadda”, isagoo intaa ku daray “Waxaan Boris ku casuumayaa, hadallada taariikhiga ah, in uu ka fiirsado go’aankiisa”.

Iyadoo gebagebeyneysay guddoonka, madaxweynaha maxkamadda sare, Lady Hale, waxay tiri: “Go’aanka ah in Boqoradda lagula taliyay hakinta howsha baarlamaanka inuu ahaa mid sharci darro ah sababtoo ah wuxuu lahaa saameynta ah jahwareerinta ama ka hortagga awoodda baarlamaanka ee ah inuu guto shaqadiisa dastuuriga ah iyadoo cudurdaar rasmi aan loo hayn”.

Lady Hale waxay sheegtay in go’aanka ay isku raaceen dhammaan 11-ka garsoore ee maxkamadda in uu yahay mid muujinaya in baarlamaanka shaqadiisa aysan hakad ku jirin – go’aankii (Boris) waa waxba kama jiraan, mana shaqeynayo – waxayna u taallaa guddoomiyayaasha aqalka baarlamaanka iyo midka Lords-ka, in ay go’aan sadaan waxa xiga ee ay sameynayaan.

Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka, John Bercow wuxuu soo dhoweeyay xukunka wuxuuna sheegay “in howsha ay si degdeg ah u billaabaneyso, dib u dhac la’aan”, wuxuu intaa ku daray in uu la tashan doono hoggaamiyayaasha axsaabta siyaasadda “sida ugu dhaqsaha badan.”

Presentational grey line

Waa middi uus ku tagtay

Wow! Tani waa sharci, dastuuri iyo fashil siyaasadeed.

Waxaa fiican in laga fiirsado, lana eego in ra’iisul wasaaraha Boqortooyada UK ay maxkamad ugu sareysa ku heshay inuu u dhaqmay si sharci darro ah oo uu ku joojiyay shaqada baarlamaanka oo ah hay’ad madaxbannaan marka dastuurka Britain loo eego, xilli qalalaasah heer qaran ah uu jiro.

Waxaa suuragal ah in maxkamadda ay ku dhowaatay in ay dhahdo Boris Johnson wuxuu lahaa ujeedo boqornimo oo ah qasidda iyo jahwareerinta su’aalaha adag ee baarlamaanka, balse middida way ku tagtay caloosha. Waxaa lagu helay inuu si sharciga aan waafaqsaneyn u dhaqmay uuna baarlamaanka ka hor istaagay in uu shaqadiisa qabsado isagoo aanan hayn wax sharci ah ee uu u cuskaday.

Waxayna maxkamadda burisay taladii uu siiyay boqoradda iyo amarka Golaha kaas oo si rasmiga u hakiyay baarlamaanka.

Taas micneheedu wuxuu yahay in baarlamaanka aan marna shaqada laga joojin, waxaana qiyaaseynaa in xildhibaannada ay u fasaxan yihiin in ay galaan aqalka Baarlamaanka ee loo garanayo House of Commons.

Kani waa tusaalaha ugu cajiibsan oo ka yimid Garsoorayaal madaxbannaan, kuwaas oo dib u eega howlaha farsamo ee garsoorka, iyadoo dowladda laga joojinayo dariiqii ay ku socotay sababtoo ah wixii la sameeyay waa sharcidaro.

Xil kaste oo aad hayso, sharciga ayaa kaa sarreeya – xitaa haddii aad tahay ra’iisul wasaaraha.

Waa arrin aan caadi ahayn oo horey aan u dhicin, oo guul ah – way adag tahay in si xad dhaaf ah loo qiyaaso muhiimadda dastuuriga iyo siyaasadeed ee uu leeyahay go’aankii maanta.

Presentational grey line

Maxay maxkamadda ku saleysay go’aanka?

Gina Miller
Gina Miller waxay hoggaamisay ololeeyayaal ka soo horjeeday hakinta baarlamaanka

Go’aanka maxkamadda waxaa lagu saleeyay dhageysiga doodda labada dhinac oo socotay seddax maalmood, isbuucii la soo dhaafay – waxay ku saleysneyd laba racfaan oo mid ay gudbisay haweeney ganacsato ah, arrimahanna u ololeysay, Gina Miller iyo mid ay dowladda gudbisay.

Mrs Miller waxay racfaanka ka qaadatay go’aankii maxkamadda England ee ahaa in hakinta baarlamaanka uu yahay “mid siyaasadeed” uusanna ahayn shaqada maxkamadda.

Dowladda waxay racfaanka ka qaadatay go’aanka maxkamadda Scotland ee ahaa in hakinta shaqada baarlamaanka ay ahayd “sharci darro” loona adeegsaday “carqaladeynta” baarlamaanka.

Maxkamadda ugu sareysay waxay xukunka u riday sidii ay rabtay Mrs Miller, taas oo micneheedu yahay in dowladda laga guuleystay.

Sidey uga falceilyeen kuwii kiiska ku lug lahaa?

Joanna Cherry
Joanna Cherry waxay sheegtay in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay “mid aan la dafiri karin”

Iyadoo ka hadleysay maxkamadda bannaankeeda, Mrs Miller waxay sheegtay in “xukunka uu muujiyay mugga uu leeyahay”.

“Ra’iisul Wasaarahan waa inuu furo iridada baarlamaanka beri. Xildhibaannada waa in ay geesinimo muujiyaan ayna la xisaabtamaan dowladdan fadhiidka ah,” ayey hadalka ku dartay.

Hoggaamiyaha xisbiga SNP Joanna Cherry, oo hoggaamineysay kiiska Scotland, waxay Mr Johnson ugu baaqday in uu iscaslo isagoo eegaya xukunka maxkamadda.

“Maxkamadda ugu sareysay ee boqortooyada ayaa si aan loo kala harin u ogaatay in taladiisa ah hakinta baarlamaanka, taladii uu siiyay boqoradda, in ay ahaayeen sharci darro,” ayey tiri.

“Xilkiisa waa mid aan la dhayilsan karin, waana in uu maskax yeesho, hal arrin isagoo sameynaya, oo ah waxa wanaagsan iyo inuu iscasilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here