Burcad qoryaha AK-47 looga baddalanayo Lo

lo

Burcadda dib usoo noqoneysa ee damacsan inay bulshada ka mid noqdaan ee waqooyi-galbeed Nigeria ayaa loo bandhigay inay halkii qori ee AK-47 ah ku baddashaan labo neef oo lo’ ah.

Maamulka dowladda hoose ee gobolka ayaa heshiiska noocaas ah la galaya dhammaan burcadda isasoo dhiibeysa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah iskuday dhalinyarada hubka sharcidarrada ah heysata fursad loogu siinayo inay ka gudbaan nolosha dambiilenimada ah si ay bulshada dib ugu soo biiraan.

Waxaa mashruucan hoggaaminaya Bello Matawalle barasaabka maamul gobolka Zamfara.

Burcad mootooyin wata ayaa in muddo ahba argagax galinayay gobolkaas.

Lo’da waxay qiimo sare u leedahay bulshada qabiilka Fulani ee xoolo dhaqatada ah, kuwaasoo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin mowjadaha weerarrada ah ee ka socda gobolka.

Hase ahaatee xubno ka tirsan bulshada qabiilkaas ayaa marar badan ku celceliyay inaysan wax lug ah ku lahayn falalka lagu waxyeelleynayo dadka rayidka ah.

Waxay sheegeen in iyaga qudhooda ay qeyb ka yihiin dhibbaneyaasha.

Neefka lo’da ah ee caadiga ah wuxuu qiimihiisa ka joogaa dalka Nigeria lacag dhan 100,000 naira ( oo u dhiganta $260 doolar ama £200 gini).

Qoriga noociisu yahay AK-47 ayaa halkii kamid ahba suuqa madow qiimihiisu ka joogaa lacag dhan 500,000 naira ($1,200; £950), sida uu ku soo warramay wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Mansur Abubakar.

“Burcadda go’aansata inay xumaha iska dhaafaan waxay markii hore iska iibin jireen lo’dooda si ay lacagta kasoo gasha ugu soo iibsadaan hub, haddana waxay doonayaan nolol ka madax bannaan dambiyadii ay geysteen. Waxaan ka codsaneynaa in ay nookaanaan hubkooda, annagoo halkii qori ee AK-47 ah uga baddalaneyna labo neef oo lo’ ah. Arrintan way dhiirrigalineysaa, wax weyn ayeyna u tahay,” ayuu yiri Mr Matawalle, oo soo saaray bayaan rasmi ah.

Kooxo hubeysan oo ka howlgala keymaha laga cararay ayaa sidoo kale dhibaato ku hayay bulshooyinka ku nool deegaannada iyo gobollada dariska la ah Zamfara.

Inta badan waxay dhac u geystaan dukaamada, waxayna boobaan lo’da. Xitaa waxay afduubtaan dadka oo ay madaxfurasho ka dalbadaan.

Weerar dhawaan ka dhacay magaalada Talata Mafara ee gobolka Zamfara ayey koox hubeysan dhawaan ku dileen 21 ruux.

Map

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, in ka badan 8,000 oo qof ayaa ku dhintay weerarradii ka dhacay gobollada Kebbi, Sokoto, Zamfara iyo waddanka dariska la ah ee Niger, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha.

Colaadda ayaa soo billaabatay muddo dheer ka hor, waxayna u dhaxeysaa xoolo dhaqatada qabiilka fulaani iyo bulshooyin kale oo beeraley ah.

Inta badan dadka daggan gobolka Zamfara ayaa ka shaqeysta beeraha.

Dowladda Nigeria ayaa sidoo kale ballan qaadday inay burburin doonto xeryaha ay burcadda ku leeyihiin keymaha dhexdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here