C/casiis Lafta Gareen oo ka hadlay mowqifkiisa doorashada 2020

laftagareen

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa ee 2021/2020, isagoo ku taliyay in doorashada ay noqotay qaab la isku doorto hannaanka awood qeybsiga 4.5, lana aado deegaanada maamul goboleedyada.

Wareysi uu siiyay Telefishinka SomaliCable ayuu sheegay in la qurxin karo qaabkii ay u dhacday doorashadii sanadkii 2016 ee Xildhibaanada lagu soo doortay deegaanada maamul goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in inta dadka laga tirinayo, deegaanada laga xoreynayo in doorashada u dhacdo qaabkii hore, isagoo ula jeeday mid aan aheyn qaabka doorashada ee Madaxtooyada Villa Somalia gadaal ka riixeysay oo ah doorasho qof iyo cod ah oo lagu galo Xisbiyo, Madaxweynahana ka yimaado Xisbi.

Hase ahaatee waxaa uu caddeeyay in ka maamul ahaan uu doonayo in doorashada u dhacdo qaabka 4.5, deegaanada maamul goboleedyada la aado sida uu yiri.

“Ka maamul ahaan waxaa jeclaan lahaa doorashada inay u dhacdo marka u horeysay inta dadka laga tirinayo oo Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo deegaanada ka xoroobayaan in la isku doorto 4.5 iyo in la aado maamul goboleedyada, nin walba uu deegaan doorashadiisa uu tago, muddo kororsina qof Soomaali oo rabo ma jirto, tii 2016 la isku soo doortay ayaa qurxineynaa, waxaa soo dooratay oday dhaqameed 51 ayaa soo dooratay, maanta dad ka badan ayaa soo dooran kara, deegaanada ayaa gaarsiin karaa, ayada waxaa qabnaa in la sii qurxiyo oo meel fiican la sii gaarsiiyo”

Mar la weydiiyay sida uu u arko in Madaxweynaha soo dooranayaan Baarlamaanka iyo in kale ayuu ku jawaabay in dastuurka ay ku qoran tahay in Madaxweynaha ay soo doortaan Baarlamaanka labada aqal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here