Caafimaadka bulshada iyo isticmaalka telefoonnada casriga ah

isticmaalka telefoonka

Sare u kaca taleefoonada casriga ah xilliyada waddada lagu socdo waxay sababeen dhibaatooyin badan oo halis gelin kara nolosha qofka.

Dadka isticmaala Taleefoonada gacanta iyaga oo socda waddooyiinka, waxay la kulmaan shilal keeni kara in jirkooda uu dhaawac soo gaaro.

Sida ay sheegeen dhaqaatiirta, dhibaatooyiinka sare u kacday waxaa ka mid ah dadka Sanka ka jabay, kuwa ay ilkaha ka daateen iyo waliba dhaawac dhanka maskaxda ah.

Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda iyo hagaajinta lafaha marka ay jabaan oo ka howlgala Iskuulka caafimaadka ee Rutgers New Jersey, ayaa qiray in uu Taleefoonkiisa isticmaalo isaga oo socda, balse waxaa uu nagu baraarujinayaa in aan joojino inaan aad u isticmaalno.

Waxaa uu khabiirkani arrintani cilmi baarid ku sameynayay 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Dr Boris ayaa sheegaya in dad badan ay u yimaadaan iyaga oo qeyb ka mid ah jirkooda ay jaban tahay; marka la waydiyo waxay sheegaan in ay Teleefoon isticmaalayeen iyaga oo waddada socda.

“Qaar ka mid ah bukaannada ayaan waydiinaa sidee arrintan ku dhacday? waxay inoo sheegeen inay dhacday iyaga oo wadada ku socda in ay taleefoonka isticmaaleen ka dibna ay turunturoodeen oo ay kufeen”, ayuu yiri Dr Boris.

Dr Boris ayaa intaa ku daray in cilmi-baarista ay sameeyeen ay muujinayso in sannadkii 1998 illaa 2006-dii ay aad u yareyd tirada dadka ay soo gaartay waxyeelada la xiriirta Teefoonnada gacanta.

Balse waxa uu sheegay in tiradaasi ay aad sare ugu kacday laga soo bilaabo 2007-dii ilaa 2009-kii. Sannadba sannadka ka dambeeyana “sare ayey u sii keceysay”, sida uu sheegay dhakhatarkan.

Maxay yihiin dhaawacyada inta badan dadka soo gaara?

Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda lafaha marka ay jabaan ayaa sheegay in dhaawacyada dadka soo gaara intooda badan yihiin Sanka, jilbaha iyo qeybaha kale ee jirka.

“Shakhsiyan waxaan arkay dad dhaawacyo ka qaba jilbaha, jirka oo meelo ka dilaaca iyo dhaawacyo anqowga ah iyo xitaa dhaawacyo gudaha ah,” ayuu yiri Dr Boris.

Dr Boris Paskhover ayaa xusay in dadka inta badan iyaga oo taleefoonka ku mashquulsan ay ku dhacaan barkadaha dabaasha, halka qaarka kale ay ku dul dhacaan goobaha la suro wargeysaya lagu iibiyo ee jidadka dhexdooda ah.

Dr Boris ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaro ay u badan yihiin dadka la kulma dhibaatooyiinka iyo dhaawacyada ka yimaada Telefoonada.

“Waxaan ogaanay in da’da u dhaxeysa 13 ilaa 29 jir ay yihiin kuwa ugu badan ee dhaawacyada ka soo gaaraan telefoonada oo ah jiilka ku wanaagsa isticmaalka mobile-ka.”

Dhibaatada caafimaadka maskaxda

Ku dhowaad afar-meelood, meel ka mid ah dhallinyarada caalamka waxay ku tiirsan yihiin telefoonada casriga ah, taas oo noqotay wax ay qabatimaan, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ku taqasustay cilmu-nafsiga.

Cilmi barista oo uu hoggaminayay machadka King’s College ee London, waxaa lagu sheegay in dabeecadaha qabatinka leh ay sababeen in dhallinta ay “argagaxaan” marka laga qaado mobile-ka.

Sidoo kale, da’yartan naftooda kama xakameyn karaan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonka casriga ah.

Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka noocaas ah uu yeelan karo “cawaaqib aad u xun” oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda.

Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray “dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah”.

Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda – waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan – kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here