CAARRE wuxuu fashiliyey dilalkii iyo hagardaamooyinkii qorsheysnaa ee Somaliland ka fulisay Gobolada SSC

caarre iyo taani

Dad badan oo ka mid ah shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka shakisanaa cida ka dambeysa dilka haldoorka degaamadaas ee inta madaxa la soo duubto suuqa lagu dilayey, kuwaas intii Somalilnd degaamadaas qabsatay ilaa 200 oo qof ku dhowaad lagu dilay, dadka ciidamadu suuqa dhexdiisa ku tooganayaan ee noo aasa la leeyahay, cida isku diraysa ee hubaynaysa beelaha isdilaya iyo hagardaamooyin kale.

Arintan waxaa cadeeyey hadalkii ay saxaafada isu mariyeen Hogaamiyaha Jamhadda Dulmidiid General Siciid Cawil Jaamac Caarre iyo Taliyaha Ciidamadda Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo fashiliyey dilalkii iyo hadimooyinkii qorsheysnaa ee Somaliland ka fulin jirtay degaamada SSC ee ay gacanta ku hayso.

Taliye Nuux ayaa sheegay in General Caarre uu 4 qof gobolka Sool ku dilay oo layska sii daayey, iyadoo aan maxkamad la soo taagin, weliba lagu dalacsiiyey, halka Generaal Caarrena uu sheegay inuusan gacantiisa wax ku dilin balse ciidamadii uu watay ay fulinayeen amarkiisa, isagoo cadeeyey in Beelihii Walaalaha ahaa (Qayaad iyo bahararsame) ee ku dagaalamayey Koonfurta Gobolka Sool ay Somaliland labada dhinacba isku hubaynaysay.

Sirta taliyeyaashu fashiliyeen waxay ku tusinayaa Siyaasada Somaliland ee ku wajahan Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn inay tahay QAYBI OO XUKUN, NIN GARBOOD IYO SIYAASIYIINTA DIL, NACASKA IYO DHUUNI RAACA U CIMAAMAD.

In Nuux Taani ku faano dad lalaayey oo aan lays weydiin, ninkii dilayna iyadoo aan maxkamad la geyn la sii dalacsiiyo waxay ku tusinaysaa:

1.Inaan Dhulbahante waxba layskaga tirinaynin oo aan godobta dadkaas la laayey laga baqaynin.

2.Inaan Somaliland Qaran ahayn ee ay yihiin Qabiil Riwaayadeynaya, waxbana aanay ka jirin Dimoqraadiyadii, maamulkii iyo nabadgelyada ay ku faani jireen.

3.Inaan Beesha Dhexe weli ka bogsan cuqdadii dagaaladii sokeeyey ee Soomaaliya ka dhacay abuureen, oo ay weli raadinayaan fursad ay ku aargoostaan.

4.In gooni-isutaaga iyo aqoonsiga Somaliland uu yahay god madow, burburka iyo Dulmiga Beelaha aan Isaaqa ahayn.

5.Inuu xaqiiq yahay dulmiga ay ka dagaalamayaan General Caarre iyo Jamhaddiisu, waxaana cad in hadalka Caarre uu run yahay uu fulinayey amaradii khaldanaa ee la siin jiray, markii dambena ku kalifay inuu ka cararo.

Waxaa waajib ah in dib loo baadho lugtii ay Somaliland ku lahayd dhamaan dadkii Magaalada Laascaanood lagu dilay mudaddii ay gacanta haysatay, maxkamad caalamiyana la soo taago cidii ka dambeysay falalkaas fuusha xun ee Somaliland ka geysatay degaamada SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here