Cabdi Dhaanto oo xabsiga laga sii daayey, kana warbixiyey kiisas culus oo lagu haystay

Cabdi Dhaanto

Fanaanka Cabdi Dhaanto oo habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa maanta dib u helay xoriyaddiisa, kadib markii uu habeenadii u dambeeyey ku hoyday xabsiga dhexe ee Xamar.

Cabdi Dhaanto, oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in markii hore maalinkii Isniinta laga soo wacay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadibna lagu wargeliyey in dacwad loo heysto oo uu yimaado saldhigga.

“8:00am subaxnimo ayaan tegey saldhigga oo taliye ku xigeenkii joogo iima aysan sheegin in la i xiraayo, balse taliyaha ayaan is aragnay waxuu igu yiri dacwad ayaa kaa taalla mana rabo inaan hadda dacwadaas waxay ku saabsaneed sii guda galo, laakiin dacwadaasu lama xiriirin arimo argagixisom sida dadka qaar ay u fasirteen, isla markiina saldhigga ayaa la igu xiray weliba meel aad u dhib badan, maalin kadib anigoo katiinadeysan waxaa xabsiga iigu yimid qolooyinkii dacwada ii qabay, waxbaa la iga qoray kadibna waxaa la ii gudbiyey CID-da” ayuu yiri Cabdi Dhaanto.

In kastoo Fanaankan si cad uusan u sheegin waxa uu salka ku hayey xarigiisa iyo eedeha loo soo jeediyey, haddana waxa uu ku celceliyey, in waxa ugu badan ee lagu heystay ay la xariirto xoriyadda hadalka.

Saacado ka hor inta aan la xirin, Cabdi Dhaanto bartiisa Facebook waxa uu soo geliyey sawirka wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ka tirsan yahay garsoorka dowladda Soomaaliya, balse isagu markaas ku tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab, madaxiisana ay hey’adaha amaanku lacag badan duldhigeen ciddii aragtana ay la xiriirto laamaha ammaanka.

Cabdi Dhaano oo qiranaya inuu dembi ka galay wiilkaas, waxa uu yiri, “Runtii wey jirtaa arrinta wiilkaas si aan ku talo-gal aheyn ayuuna qoraalkaas u dhacay, arrintaasna waa la xaliyey, waan ka wada hadalnay oo raali gelin ayaa ka dhacday, kiiska la igu heystana arrintaas kaliya maaheyn, balse wiilkaas dadkii wax iga soo daayey ayuu ka mid ahaa, oo ii doodaayey, cafiskiisa ayaana ku soo baxay”.

Fanaanka Cabdi Dhaanto ayaa sidoo kale sheegay in markii maxkamadda gobolka Banaadir la geeyey ay yimaadeen dad badan oo dacwado u qaba, balse garsoorku uu diiday in lagu furo dacwadahaas.

“Inta badana dacwadahaasi waxay u badnaayeen dad dhahaaya waxbuu iga qoray iyo waxbuu iga sheegay, dacwadahaasna waa la laalay, oo garsoorku waxa uu yiri qofkaan maxbuuska ah dacwadahaan ma qaadi karo, ugu dambeyntiina waa la i cafiyey, oo baaritaan dheer baan maray”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here