Cabdi Maxamuud Cumar oo markale maxkamad la soo taagay

cabdi maxamuud cumar ilay

Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale ka soo muuqday Maxkamad ku taal magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya isagoo sheegay inuusan wax dambi ah gelin.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in mudadii uu maamulayay gobolka Ismaamulka Soomaalida uu si wanaagsan u maamulayay wax dambi ahna uusan ka gelin degaanka Soomaaliya.

Maxkamadeyntiisa oo shalay dhacday ayaa waxaa uu ku dalbaday in la siidaayo maaddaama uusan gelin wax dembi ah oo uu galay intii uu hayay talada Ismaamulka Soomaalida.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dalbaday in xorriyaddiisa dib loo siiyo maaddaama uusan jirin dambi cad oo uu ka galay Ismaamulka Soomaalida.

Warar kale ee la xiriira maxkamadeynta Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegaya in maxkamadu ay amartay Booliska inay si dhaqso ah ku baahiyaan magacyada iyo sawirada toddobo ruux oo kale oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen falal isugu jira dil, kufsi, barakicin iyo dhibaatooyin kale oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hore dhowr jeer la horgeeyay maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa iyadoo aan illaa iyo hadda jirin xukun lagu ridey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here