Cabdi Qawdhan oo loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland

cabdi qawdhan2

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa qaar kamid ah Golaha wasiirada xilalkii ka qaaday, sidoo kale magacaabay kuwo cusub.

Wasiirada xilalkoodii waayay waxaa kamid ah, Wasiirkii Warfaafinta Cali Xasan Sabarey, Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Cawaash iyo Wasiir ku xigeenkii Maaliyadda Cumar Xasan Cumar (Fiqi), waxaana lagu baddelay siyaasiyiin hore xilal wasiiro uga soo qabtay Puntland.

1. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

2. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska

3. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here