Cabdi Qowdhan Baaq Nabadeed u diray Beelaha Axmed Garaad oo caawa dil cusubi Buuhoodle ku dhex martay

cabdiqawdhan5

Wasiir Ku xigeen Maaliyada Puntland Cabdi Qawdhan Warsame ayaa Baaq Nabadeed Uu Diraya Beelaha Walaalaha Ah Ee Axmed Garaad Ee Colaada Cusub Caawa Ka Curiyey Magaalad Buhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.

Wasiirku ayaa yiri:

“Waxa Aan Baaq Nabadeed Uu Diraya Beelaha Walaalaha Ah Ee Axmed Garaad Ee Colaada Cusub Caawa Ka Curiyey Magaalad Buhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn”.

Runti Waa Arrin Nasiib Daro ah In Iyada oo Dhaawan Beelahas Walaalaha Gacmaha La Isku Saaray in Mar Kale Fidmo Ka Dhex Abuuranto caawa.Walaalayal Buhoodle Ma Qaadi Karto Nabad La”aan Iyo Colaad Cusub oo ka Curata, Runti maaha Colaad Fog Waxay uu Baahantahay in Juhdi iyo Dedaal La Geliyo ku Soo Celinta Degaanka Ee Xasiloonida Amni lagana wada shaqeeyo oo loo dedaalo.

Eebe Ha uu Boga Dhayo Cid Kasta oo Dhibaatadas Wax Ka Soo Gaadhen.

Ugu Dambeyn Waxa aan Baaq Uu Diraya Nabadoonada iyo Waxgaraadka Gobolka Cayn Oo Aan ugu Baaqayo in ay Kala Dhexgalan Beelaha Walaalaha Ee Colaada Cusub Ka Soo Dhex Cusboonatay .

Alle Bogado Burcad Ha Isu Mariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here