Cabdikariim (SVO) wuxuu ka waxtarsan yahay xubnaha SSC ee Goleyaasha SL M Muusena Madaxweyneyaashii hore

cabdikariim iyo xubnaha goleyaasha ssc

Waxaa cad in labadii sano ee Madaxweyne Muuse Biixi uu talada Somaliland hayey, ay aad u soo fiicnaatay amaanka Gobolka Sool, taasoo ay ugu wacan tahay in uu ka leexday siyaasadii Madaxweyneyaashii ka horeeyey oo qorshehoodu ahaa QAYBI OO XUKUN, iyagoo dhaqaale farabadan ku bixin jiray kala qaybinta iyo iska horkeenka bulshada, waxaa hoos u dhacay dilalkii qorsheysnaa ee lala beegsan jiray waxgaradka degaanka, waxaa soo yaraanayey khilaafkii beelaha, waxaa soo kordhaya nabada dhamaan degaamada oo ay ugu dambeysay dagaalkii Koonfurta Sool oo dawladii Siilaanyo ka tagtay.

In maanta Bandhiga Buugaagta lagu qabto magaalada Laascaanod, oo si nabadgelyo ah Geeska Africa laysaga yimaado, si nabadgelyo ah, ilaahay ka sekow waxaa qayb weyn ka qaatay Siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ka leexday nidaamkii qaybi oo xukun.

Dhanka kale waxaa xaqiiq ah in CabdiKariim Siciid Aw Cabdi gudoomiyaha hayadda SVO uu ka waxtar iyo waxqabad badan yahay dhamaan xubnaha degaamada SSC kaga jira Goleyaasha Somaliland, marka lagu qiimeeyo habdhaqankooda oo mid waliba aanu xil iska saarin wixii aan tuuladiisa ahayn, halka Cabdi Kariim Siciid Aw Cabdi uu labadii sano ee ugu dambeeyey ku mashquulsanaa oo ka shaqeynayey danta guud oo aan xuduud lahay, isagoo qayb libaax ka qaatay Nabadgelyo, wacyigelinta bulshadda, kobcinta ciyaaraha, gurmadka masiibooyinka iwm.

Qabsoomida Bandhiga Caalamiga Buugaagta ee Laascaanood waxay sidoo kale sharaf iyo sumcad u tahay Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxaa loo baahan yahay in Xubnaha Goleyaasha degaamadaas kaga jiraa ay Cabdikariim (SVO) kaga deydaan habdhaqankiisa danta guud oo ay iska dhaafaan ceshiimaysiga ay xilka iyo Somaliland ceshiimaysanayaan siyaasiyiinta kale.

Daawo Sawirro qaar ka mid ah danta guud ee uu bulshada u qabtay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here