Cabdirashiid Janan oo xaqiijiyey inuu wadahadal kula jiro DF

cabdirashiid janan

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo.

Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda la mid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan jirin wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Si kastaba Janan ayaa horey loogu xiray magaalada Muqdisho, isaga markii dambe ka baxsaday gacanta dowladda, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo, isaga oo markii dambe u wareegay dhanka gobolka Gedo, kadibna dagaal ka bilaabay Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here