Cabsi xoogan oo ka jirta Islii iyo Kenya oo diyaarineyso ciidamo booliis ah oo ka howlgala

islii

Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan ganacsatada xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, halkaas oo looga baqayo inay rabshado ka qarxaan.

Talaadada berri ayaa lagu wadaa in maxkamadda ICJ ay soo saarto xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka maxkamadda ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xiriirka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal.

Waxaa laga baqayaa in banaanbaxyo xoog leh ay dhigaan dadka reer Kenya oo boob loo geysto ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, hadii Soomaaliya loo xukmiyo badda, maadaama dadka Kenyaanka ah ay aad ugu han-weyntihiin sida Soomaalida in xukunka badda ay ku guuleystaan.

Guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa caawa la kulmay guddiga amniga qaranka ee wadanka Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka maxkamadda.

Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah guddiga ganacsata Soomaalida ah ee ku nool Kenya oo caawa warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in kulankaas kadib ay dowladdu u balan qaaday inay diyaarineyso ciidamo boolis ah oo ka howlgala Islii.

“Anagoo ah guddiga ganacsatada iyo guddiga amniga waxaan diyaarinay laamaha amniga, waxaa naloo soo dirayaa ciidamo boolis ah, si xaafadda Islii ay mudo 24-saac ah noola joogaan oo tallaabo ay ka qaadaan cid kasta oo ku xad gudubta sharciga wadanka,” ayuu yiri Maxamed.

Ganacsatada ayaa dadka reer Kenya ka codsaday inay aysan berri dhigin wax banaanbax ama dabaal deg ah, cid kasta oo ay guushu raacdo, si looga badbaado isku dhacyo rabshado wata oo ka dilaaca dalka.

“Arrintaan waa mid dowladda khuseysa, arrin shacab khuseysa maaha, waxaan ku war gelineynaa Soomaalida ku nool wadankaan Kenya, in wax ficil ah aysan sameyn, masaajidaan tagnay oo culumada ayaan kala hadalnay arrintaas in la demiyo oo wax ficil ah aan laga sameyn xukunkaas,” ayuu Maxamed Ismaaciil hadalkiisa ku sii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here