Cali Dheere oo ka hadlay lacagta madax-furashada ee Silvia iyo sida ay ku islaamtay

Silvia Constanca Romano3

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wareysi uu teleefonka ku siiyey wargeyska La Repubblica ee dalka Talyaaniga uga hadlay lacagtii madax-furashada ee ay ku qaateen sii-deynta Silvia Romano iyo sida ay ku islaamtay.

Cali Dheera ayaa sheegay in lacagtaas loo adeegesan doono in lagu maalgeliyo “jihaadka”.

“Lacagta waxaa loo adeegsan doonaa in qeyb ahaan lagu soo iibiyo hub, taasi oo aan u baahannahay si aan u fulinno jihaadka,” ayuu yiri.

“Inta kale ee lacagta kasoo harta waxaa lagu maamuli doonaa dalka: waxaa lagu bixin doonaa iskuullada, waxaa lagu iibin doonaa cunooyin iyo dawooyin la siinayo dadkeena, waxaa lagu tababari doonaa boliiska ilaaliya kala dambeynta iyo dhaqan-gelinta shareecada qur’aanka.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dhowr iyo toban qof ay ka qeyb qaateen afduubka Silvia Romano, balse aysan hoggaamiyayaasha Al-Shabaab agaasimin afduubka.

“Al-Shabaab waxay leedahay nidaam la macaamila inuu keeno lacag lagu wado shaqooyinka ururka, taasi oo kadibna dib loogu qeybiyo dadka Soomaaliyeed. Waa hay’addan tan maamusha ilaha dhaqaale ee kala duwan ee ururka,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyey sababta ay si wanaagsan ugula dhaqmeen Silvia.

“Silvia waxay noo aheyd agab aan ku gorgortonno. Waxay sidoo kale ahayd haweeney, anagana haddaan nahay Al-Shabaab xushmad weyn ayaan u haynaa haweenka,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.

“Waxaan sameynay wax kasta oo aan awoodno si aynan dhib u gaarsiin, sababtoo ah Silvia waxay ahayd la-hayste ee ma ahan maxbuus dagaal. Maxaabiista dagaalka waxaan ku wareejinaa ciidamada, si la mid ah waxa ay sameeyaan ciidamada Soomaaliya marka ay qabtaan askari Al-Shabaab ah.”

Isaga oo ka hadlayey qaadashada Silvia ee diinta Islaamka, waxa uu yiri: “inta aan ogahaay, Silvia Romano waxay dooratay Islaamka sababtoo ah waxay fahamtay qiimaha diinteena, kadib markii ay aqrisay qur’aanka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here