Cali Khaliif ma ninkii baryootami lahaa baa? Mise ninkii la baryi lahaa?

muuse iyo cali khaliif

Dad badan oo ka soo jeeda degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa aad uga xumaada baryootan caadada u noqday Prof. Cali Khaliif Galaydh oo xaflado badan oo cunto uu kaga calaaclay inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la hadli waayey.

Shacabka SSC waxay aaminsan yihiin in Prof. Cali Khaliif aanu maanta ahayn kii baryootami lahaa, ee isaga iyo Reer SSC ay yihiin kuwii la baryi doono ayaamo tirsanina ka harsan yihiin, balse ay weli jiraan dad badan oo aan wax fahmin oo weli sheekooyinkii hore ku wareegaalaysanaya.

Waxaad moodaa in oday Cali Khaliif Galaydh uu ka dhacsan yahay xaalada iyo marxalada ay Somaliland ku sugan tahay iyo sida Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu ugu fashilmeem Siyaasada Gudaha iyo tan dibadaba.

Ugu horeyn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu Somaliland burburiyey oo kala qaybiyey maalintii uu tukaraq weeraray ee uu ku dhowaaqay inuu beelaha hartiga Awooweyaashood iyo Aabeyaashood Caydhsan jirtay, waxkasta oo uu sameeyana maaha mid laga cafiyayo.

Tan labaad marka wiilka 28 sano lagu lahaa Soomaaliya waan ka gonay oo dal madaxbanaan ban nahay, hadana maanta mashruucii Dawladda hoose ee Berbera Xamar looga soo saxeexayo uu midnimada Somaliland diidayo oo weliba lagu baryootamo, waa maxay guusha uga weyn wiilkii 28 sano u dagaalamayey midnimada Soomaaliyeed?.

Marka Sadexaad maxaa wadahadalka Muuse Biixi laga faaiidayaa, mar haddii mashruuca Wadada isku xidha Taleex iyo Garoowe ay dawlada federaalku soo saxeexday, kan Boocame iyo Garoowena muqdisho laga soo saxiixay, sidoo kale Saylac iyo Boorame, halka nadaafada Berbera aan wadaawanaynay xafladii lagu saxiixayey, waa maxay danta Muuse ku xidhan ama ugu jirtaa Degaamada SSC. waa maya, ma jirto.

Ugu dambeyntii waxaan oday Cali Khaliif u sheegaya in aanu maanta ahayn qofkii baryootami lahaa, haddii Isaga iyo Muuse wada hadlaana waxba ka bedeli meyso mowqifka shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxay ka rabaanna ma jirto, wixii degaamadaas dhib, dilal toosa iyo kuwo dadban, caburin iyo tacadiyo laga geystayna waxaa imaan doonto maalin laga xisaabtamo, ee haddii dan gaar ahi kaaga xidhan tahay si hoose uga dhameysto.

Chief Caaqil Khaalid Maxamed Sh. Muuse Dhiil.

UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here